Tallooyin Ku Saabsan Warbixin Ka Diyaarinta

0
Monday April 07, 2014 - 09:46:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallooyin Ku Saabsan Warbixin Ka Diyaarinta

    Talooyin Ku Saabsan Warbixin Ka Diyaarinta Maxamadaha(tips on Reporting on Courts) Warbixin ka diyaarinta maxkamaduhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah saxaafadda,wariyaha warbixinta ka diyaarinaya maxkamadaha waxaa looga baahan yahay in uu yaqaano shu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talooyin Ku Saabsan Warbixin Ka Diyaarinta Maxamadaha(tips on Reporting on Courts) Warbixin ka diyaarinta maxkamaduhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah saxaafadda,wariyaha warbixinta ka diyaarinaya maxkamadaha waxaa looga baahan yahay in uu yaqaano shuruucda maxaliga ah ee maxkamaduhu ku shaqeeyaan,iyo waxa laga war bixin karo iyo waxaan laga warbixin Karin.

Talooyin Ku Saabsan Warbixin Ka Diyaarinta Maxamadaha(tips on Reporting on Courts) Warbixin ka diyaarinta maxkamaduhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah saxaafadda,wariyaha warbixinta ka diyaarinaya maxkamadaha waxaa looga baahan yahay in uu yaqaano shuruucda maxaliga ah ee maxkamaduhu ku shaqeeyaan,iyo waxa laga war bixin karo iyo waxaan laga warbixin Karin.

Suxufiyiinta qaar ayaa doortay inay ku takhasusaan ka soo waramida maxkamadaha,halka qaarka kalena ay ku bartaan hanaanka warbixinada looga soo diyaariyo marka ay dhiganayaan (Basic journalism training)ka. Talaabooyinkan soo socda ayaa lagaaga baahan yahay inaad raacdo marka aad maxkamadaha warbixin ka soo diyaarinayso.

1: inta aad ku guda jirto diyaarinta warbixinaha maxkamadaha. waa inaad ku shaqeysaa oo aad ixtiraamta sharciga maxkamada u degsan ,maxkamaduhu waxay wax ku kaantaroolaan waa sharciga,kaasi ayaa jawiga xukumaya. 2: xusuusnow cida la soo eedeeyey. Garsoosuhu isagaa ayaa maxkamada ka hor akhriyaya dacwada,iyo waxa dhacay.garsoosaha ayaa nidaamka iyo kala danbeynta ilaalinaya,inata badan dadka xabsiyada ku jira ee la hor keeno maxkamaduhu waxay u muuqdaan qaar la yaraysanayo,xitaa adiga laftigaaga waad ka mid noqon kartaa dadkaasi la yaraysanayo.

3: Ogoow shuruucda maxaliga ah Dalalka badanlkoodu iyagaa samaysta xeerarka maxkamadahooda.markaa waa inaad ogaataa xeerarka maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.waxaad u baahan tahay inaad u hogaansanto xeerarka,hadii kale adiga lafftigaaga ayaa ku danbeyn kara meesha maxaabiistu istaagto marka maxkaamdaha la hor keeno(dock).

4: Diirada Saar Xaqiiqada dhabta ah. Waxa ugu mhiimsani waxaa weeyi go’aanka maxkadaha ee xukunka eek u aadan maxaabiista,kaasi oo noqon kara muhiimada ama warka ugu weyn,waxaanu ku dhamaan karaa xukunka maxkamadu mid farxadeed ama murugo marka loo eego ehelka,qaraamada iyo guud ahaanba shacabka oo hadii xukunku noqdo in maxbuus la fasaxo oo danbi lagu waayo waxay uga dhigan tahay ehelkisii farxad hadii lagu helo danbi oo lagu xukumo dil waxay ehelkisii uga dhigan tahay murugo.

5: Ha isku dayin inaad qabato shaqada garsooraha Wadanada badankooda marka qofka la soo xidho waxa loo tixgeliyaa in uu yahay bilaa danbiile ilaa maxakamadi ku soo cadayso danbi “innocence until proven guilty” 6: Saxnaan Saxnaan Saxnaan Accuracy Accuracy Accuracy Xaqiiji inaad heshid xaqiiqada.hubin magacyada,spelleings,xilalka,masuuliyadda,cadaaladda iyo saxnaanta saxafaadda ee aasaaska u ah waxyaabaha lagaaga baahan yahay.

7: Hayso oo si taxadar leh wax ugu qor buugaaga note-ga ah Maxkamadaha,warbixinadooda oo dhan,waa inaad si taxadar leh ugu qorataa buugaaga note-ga ah oo aad xiftidaa,waxaa laga ayaaba inay makamadu u baahano hadii warbixintaasu muran dhaliso.

8: Abidkaa dhinacna ha raacin Muranka ay isticmaalaan danbi ku soo oogida,difaaca gar-yaqaanada,waxa loo werinaya sida ay dhacdadu u dhacday,iyo cadaymaha maxkamada la hor keenay iyo wixii maxkamadda lag yidhi. 9: Maxmamaduhu waa sida Masraxiyad oo kale. Waxay sameeyaan garsoorayaashu,gar-yaqaanayaashu iyo markhaatiyadu inay nuqulo coobi ah isku waydaarsadaan goobta,same oo xaqiiji in aan qoroto cutub yadaasi ama qaybahasi oo dhan. 10: Bixi Aaminaad waxa laga filayo ee xiga Raad-raacu badana wuxuu ku xidhan yahay cadaynta danbi baadhaha ,xaqiiji adigoo goobta jooga warkaaga ugu weyn.

11: Anshaxa Warbixinta Ma aha oo kaliya xirfad buuxda inaad u lahaado warbixin kasta balse waxa muhiim ah inaad xirfad xoogan u lahaado wax kasta oo bulshadu xiisaynaso oo saameyn ku dhex leh. 12: Waa inaad u diyaarsanaato taariikhda arintu soo martay Wararka waaweyn waxay u baahan yihiin diyaarin weyn,ka hor in taanad qorin waa inaad hayso taariikhda dhacdadani soo martay kadib marka uu xukunku dhaco.

13: Maxkamadeyntu waxaa laga yaaba inay dhamaato balse warku uu sii socdo. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxa weeyi inay wariyayaashu waraysio qaadaan goob joogayaasha,qaraabada,booliska iyo wixii la mid ah.xaqiiji inaad maxkamadda ka tegto markaad hesho waraysiga.

La soco qayb kale oo ka hadlaysa Crime Reporting

By:Cali Maxamed ( Cali Saxafi )

Tel:4241123

-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured