Cadaaladdaradii uu Wasiir Cakuse ku Lumiyey Wakhtiga oo Ka Fursan weydey Inuu Qalinka ku Duugo–

0
Tuesday March 18, 2014 - 08:07:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaaladdaradii uu Wasiir Cakuse ku Lumiyey Wakhtiga oo Ka Fursan weydey Inuu Qalinka ku Duugo–

    Hargaysa(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/laahi Cakuse ayaa Mudo dheer wakhtiga ku lumiyey inuu dhawaaq dheer gaadhsiiyo dadka shicibka ah iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta kuwaas oo mudo dii udambeysey ee 4 Afarta sano ee xuku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/laahi Cakuse ayaa Mudo dheer wakhtiga ku lumiyey inuu dhawaaq dheer gaadhsiiyo dadka shicibka ah iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta kuwaas oo mudo dii udambeysey ee 4 Afarta sano ee xukuumadani Heysatey tabanaayey cadaaladdaro ka Hargaysa(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/laahi Cakuse ayaa Mudo dheer wakhtiga ku lumiyey inuu dhawaaq dheer gaadhsiiyo dadka shicibka ah iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta kuwaas oo mudo dii udambeysey ee 4 Afarta sano ee xukuumadani Heysatey tabanaayey cadaaladdaro ka socoto Wasaarada ugu wayn somaliland oo ay ka howlgalaan 400 qof oo shaqaale ah oo isugu jira shaqaale Khibradle iyo Kuwa kaleba.
Dhawaan ayuu wasiirku mudo yar ka dib markii uu xilka wasiirnimo qabtey uu soo bandhigay isagoo warbaahintana ugudbiyey in ay jiraan shaqaale howsha ugu badan qabta oo mushahar yar iyo kuwa kale oo aan waxba qaban hab qabiilna ku jooga wasaarada ay qaataan mushar iyo guno farabadan oo aan suurta gal aheyn taasi oo uu soo gudbiyey.

Wasiir Cakuse oo adeegsanaaya Agaasimaa guud ee warfaafinta ayaa ku talaabsadey in shaqaalihii uu guno ugu kala qoro hab qabyaaladeed taasi oo uu shaley ka hadlaayey waxaanu ku balameen inuu shaaciyo xili uu wasiirku la socdo Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku maraaya Gobolada dalka si aan xagiisa loogu tirin arintan balse waxaa aan halmaam ku jirin inuu yahaey Masuulka ugu sareeya wasaarada ee Saxeexay .
Gunadan shaqaalaha loo qorey ayaa ahayd mid lagu guneeyey hab qabiil taas oo uu agaasimi waaxeed kastaa soo qortay intii la heyb iyo qabiilka aheyd oo lagu guneeyey habkan halka shaqaalii kale oo ay kujiraan rag Ruug cadaaya oo qaarkood ay soo shaqeynaayeen ilaa Radio Halgan maanta ay guna doodii ku waayeen Qabiilka ay ka soo jeedaan taasi oo aan waligeed ka dhacin Somaliland .
Arintan ayaa shaqaalihii wasaarada ku noqotey Wax la yaable oo aanay marnaba filayn inay dhacidoonto balse waxa maanta sii kala fogaadey shaqaalihii ka dib markii ay maamulkii iyo masuuliyiintii soo kala dhaweysteen wariyayaashii Radio Hargaysa ayaa dhamaanba aan wax guno ah loo qorin kuwaas oo ahaa Haldoorka hada shaqada socod siiya ,Sidoo kale Farsamo yaqaanadii u waaweynaa ee usoo horey Naftooda iyo Dhiigooda ayaa iyaguna halkaas ku waayey gunadoodii. Dhanka kalena waxa uu Wasiir cakuse Xalaaleystey in lacagii uu ka hadlaayay ay toos ugu dhacaan Jeebkiisa taasi oo ahayd xiligii uu qayla dhaanta dadka gaadhsiiyey mid damac iyo hunguri ka galey oo aan shaqaalaha udaneyneyn balse inay jeebadiisa ku soo dhacdo uu doonaayey kana eryanaayey agaasima waaxeedyada .
Isku soo wada duuboo Wasiir Cakuse iyo Agaasimaa Guud oo aan labadooda midna Xilkan ay hayaan aan aheyn masuuliyiin Heer kooda aqooneed gaadhsiisanyey ayaa hada Xaalad cusub ka dhex abuurtay wasaaradii warfaafinta taas oo noqotey mid aanay shaqaaluhu filayn waana mid uu ucadeystey wasiirku in cidii madaxda ama maamulka la qabiil ama la heyb ahi ay guno ku leeyiin iyo mushahar inta kalena aanay haba yaraatee waxba ku laheyn .Waxaana dhawaan la filayaa inay ay shaqaaluhu ka Tashan doonaan arimaha noocan ah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured