Gudoomiyaha Jaamacada Alpha University somaliland ayaa Shabakada xogreeb uga Waramay Hawlaha Guud ee Jaamacad ka socda.
Waxa uu Gudoomiyuhu Beeniyey in ay Jiraan Saddex Class oo Jaamacada ka Cawday Balse ay yihiin Arday koobanMarka hore aad baan idiin salamayaa, hadii aan idinka siiyo warbixin jaamacada Alpha University College waxa la aasaasay sanadkii 2009kii, sanadkaa laga soo bilaabo ilaa imika jaamacada is diwaangeliyey arday tiradoodu dhantahay 2490 arda.
Jaamacada marka hore waxa lagu aasaasay saddex kuliyadood, oo kala ah
Bussiness, ICT, iyo LAW. Mudo ka dib markii cilmi baadhis faro badan ay jaamacadu samaysay ay aragtay baahida ka jirta dalka iyo waxyaabaha looga baahan yahay waxa lagu soo kordhiyey sadex kuliyadood oo kale kuwaas oo kala ah Public health, Social Science and Engineering, markaa guud ahaan jaamacadu waxay ka koobantahay lixdaa kuliyadood.
Sanadkii 2012kii ayaa dufcadii ugu horaysay ka qalin jabisay jaamacada, ardaydaas qalin jabisay oo ka koobnayd 427 arday, kuwaas oo ka qalinjabiyey sadex kuliyadood ee aynu soo sheegnay.
Sanadkii xigay 2013kii waxa ka qalinjabiyey jaamacada 427 arday, guud ahaan marka la isku daro labada dufcadood waxay gaadhaysaa tiradoodu 800 oo arday.
Halkaa waxaad ka garan kartaa baaxada ay jaamacadu leedahay, sanadkan aynu ku jirno 2014na hadii Alle yidhaahdna sidaasaanu rajaynaynaa.
Jaamacadu waxay ka tirsantahay jaamacada wayn ee Alpha University College oo ku taala dalka Ethiopia, ahna jaamacad aad u wayn jirtayna kudhawaad mudo dhan 32 sanadood wakhtigan maanta marka taayadan lagu daro waxay 14 laamood ku leedahay gobolada dalka ethiopia tirada wakhti xaadirkan ku jirta waa 20,000 oo arday, Jaamacadu waxay xidhiidh caalami la leedahay Africa, Eruope,America. Dhawaan halkan waxa noogu yimid madaxweynaha jaamacada oo sadex isbuuc ka hor halkan nagu soo booqday hafladana aanu u qabanay wasaarada waxbarashada iyo gudida tacliinta sare soo booqday si wanagsana loo soo dhaweeyey , aadna uga helay siday wax u socdaan.
Hadaanu nahay jaamacada Alpha Univerisity College qaybteeda Hargeisa ma bixiso shaahadada Diploma sidaasna waxaanu kaga diwaangashanahay wasaarada waxbarashada,laakiin qaybta Berbera oo la furay 2013 ayaa lagu tababaraa shaqaale dawlada ah waana lagu bixiyaa Diplom programs, shahaadada aanu bixinaa waa Degree program, mustaqbalka waa laga yaabaa inaanu bixino hadii loo baahdo Diplom Progams.
Mudada Shanta sanadood ah jaamacadu waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo laxaad leh, mustaqbalkana waxaanu isku dayeynaa inaanu u dabooli karno baahiyaha waxbarasho ee dalka ka jira.
Laanta aanu ku leenahay Berbera wali arday kamay soo bixin laakiin waxay bixisaa koorasyo gaagaaban (Short courses) oo diplom programs ah.
Gudoomiyaha oo ka hadlaya imtixaankii laga qaaday ardayda ayaa sheegay inaanay jirin wax qaldamay, balse uu sheegay inay jirtay arday imtixaanada qaarkood ku sameeyey eegasho (Cheating) dabadeedna laga mamnuucay (Cancelled), markaa ardaydaasi waxay ku dhaqaaqeen iyaga oo diidan arinkaas inay yidhaahdaan waxaanu doonaynaa badalkayagi dhowr arday oo kalena ay afduubteen , waxa uu gudoomiyuhu beeniyey inay wax qaldameen. Waxa jira dad meelaha wax ku qorqoray ama ka hadhadlay laakiin waxay doonayaan inay marin habaabiyaan runta. waxaa uu sheegay gudoomiyuhu in ay ardaydan tiradoodu dhantahay 12 arday kana tirsanaa kuliyada ICT ga, sida ay wax u jiraana waa sidaa aan idiin sheegay.
Waxa uu Gudoomiyuhu Beeniyey in ay Jiraan Saddex Class oo Jaamacada ka Cawday Balse ay yihiin Arday kooban.
Gudoomiyaha Jaamacada Alpha University somaliland ayaa Shabakada xogreeb uga Waramay Hawlaha Guud ee Jaamacad ka socda.