hees ku socota wasiirka arimaha dibada soomaliya foosiya yuusuf xaaji aadan
Anigoo ah xuseen xirsicaamir cali
Heestan waxaan sameeyey
hees ku socota wasiirka arimaha dibada soomaliya foosiya yuusuf xaaji aadan
Anigoo ah xuseen xirsicaamir cali Heestan waxaan sameeyey 16/4/2013 Waxaanaan heestan kula hadlayaa drs foosiya yuusuf xaaji aadan Ujeedada heestuna waxay ka dhadhamaysaa midheheeda ee uma baahna Sharraxaad Laakiin hadaan inyar oo is dul tag ah ku sameeyo hab dhismeedka maansada waxaad ku arki doontaa akhristoow saddex erey oo aan u soo qaatay qurxinta maansada kuwaas oo kala ah dhays, ka dhex toos, iyo ka dhacsanaan, sadexdan erey aynu macayno hadaba in kasta oo aan mid walba hortiisa ku macneeyey hadana aynu bal intaynaan gudo gelin maansada aynu sii fududayno 1 dhaysta waxa loo isticimaalaa marka geelu soo sed dhaweeyo ee ay xejiyayaashu jilcaan ayuu ruxmaa hilibka iyo guudka geeli 2 ka dhacsanaan waa kelmed sida loo adeegsadaa dhawaan ku soo biirtay af soomaliga metelan ina xirsi caamir siyaasadda wuu ka dhacsan yahay macneheedu waa lama socdo waxa dhacaaya 3 ka dhex toos waa kelmed ka soo dhax baxday dagaalkii sokeeyaha ee dhex maray reer SL macnaheeduna waa waa col ka dhex kacay colkale oo ay is hayaan oo aan iska filaynin hadaba akhris Wanaagsan waana tan maansadii ama heestii qofba siduu u yaqaano Dhabeel dumar foosiyay Dhudiyo laan keli baxdaay Dhigeeda ka fiicaneey marwada reerkeed dhistaay hooyada dhaqan toosanee dhaliil ka amaan gashaay kartida waa loo dhashaa hankeeda ku dhiirraneey xumaanta ka dhiidhiyaay wanaaga u dhaarsaneey dhibanahaw hiiliyaay haduu dulmi dhigo nin dhigay siduu dhidar hoorri falay dhawaaq dheer kaga hadlaay agoomo hadii la dhaco xaqooda usoo dhacshaay caddaaladda dhiirriyaay samaha dhinac taaganeey dhadhamo quudheed nacaay fulaha dhiigyo cab ogeey dhirbaaxo ka feejigeey dhabeel dumar foosiyaay dadnimo waa loo dhashaa taariikhdaa dhaxa l gashee rabigu tuu dhamaystiraay aduunyadu waa dharaar dhul weeyaan soo af go,an dhammaad bay leedahoo muddaa lagu dhaafayaa cirkaa soo dhacaya oo dhulkana waa la duubayaa waxaa dhagax saran iyo ogow buuraha dhidbani ALLAA amar dhiibayoo Iyana way dhalaalayaan Dhareer bay noqonayaan Waxaan ILI dheehaniyo Dhasbay ku danbaynayan Dhabeel dumar foosiyaay Cimriga oo dhammaada iyo Heduun baa loo dhintaa Wedkaan laga dhuuman Karin ogow mawd sooma dhaxo il dhibiq deed dibuma dhaco taariikh baa dhaxal gashee wixii dhal dhalaal ah iyo xarrago waa dheeha guud haduu dhego beelo ruux dhabtii wuu socon karaa haduu dhaayaha indhaha waxbaba dhugan waayi karo ulbaa loo dhiibayaa dhabaha waa lagu hagaa laf dheeroo kaa jabtiyo dhudhunka waa laga kabmaa in loo dhitiyana u dhaw dhabeel dumar foosiyaay caqliga dhaawaca galiyo haday dhooluhu jabaan (dhoolahan waxaan uga jeedaa ricilaha miskaha miskuhu kala dheeliyaan lafdhabar dhaymo looma helo qofkuu ku dhacaa shilkanu inuu dhooboda qooshtoo dhallaan ku danbeeyo iyo dhulyaal buu miduun noqdaa dhabeen dumar foosiyaay malaa wuu ila dhamcoo halkaan islahaa ku dhaab hadalka waan dhaafiyee dhacdada aan uga socdiyo ujeedada aan dhidbee inay dhuudhi casadii sidii dhedo kugu degeen hab dhaqan xumo muujiyeen nadaam dawllada ka dheer sidii dhoocilo is diley timaa qaar kugu dhegeen dhulkana lagu jiidey oo dharkaagii ciida galay dhammaan dunidaa ogoo dhehoo gaaliyo islaam dadkuba wuu dhaygagoo shantaa dhaban buu hayaa hadana waa laga dhacoo ( waa laga dhacay waa kelmed suuqdi ah waana waxaa lalama socdo waxaa lagu dhaafay taa distoorbaynoo dhignaa dhexdeenuu yaal sharcigu inaad dhursugtay ahayd inaad ka dhuyaasho iyo inaad dhoofto may ahayn dhabeel dumar foosiyaay dhaleeco adaa isbaday hadaad dhaxdin meel utahay dhalasho meel baad utahay dhiigaaga anaa iskale ninaba ima dhaafin karo dhabeel dumar foosiyaay hashii maandeeq ma dhalin sedkeediibaase dhaw dhaaxay OLOL reentayoo dhaysiyo fool kii ay tahay ( halkaa dhaysta waxaa ku haboonayd fargax laakiin heestaa sidan ku saxan nin dhaqay uunbaa yaqaan dhilawyahan looma lulo waxay dharqataa madheedh habeedbay ku dhaashatoo labada dhinac baa madaw kurusku dheeraa ka baxay illaa dhuumatooyinkiyo dheegiyo garbahaa qarsoon baruur bay dhaabantahay inay dhulka jiifsatiyo dhudhubahaa laga ceshaa ushaa laga dhawrayaa dhirbaaxaa lagu wadaa dhuugiyo muu cunin qaniin dhibiijaa beri gashoo iyana taa laga dhibee dhabeel dumar foosiyaay hashaad dhaxalka u lahayn hadaanu ka dhextoosin dhidar (ka dhex toos waa kelmed ku soo baxday dagaalkii sokeeyaha ee inasoo maray dhurwaagii cunin lugyare libaax kumasoo dhacoo dhawaaqiisaan aqaan tisiyo oodbaan dhidboo dhacamo waaweeyn ku jaray difaac adag baan hordhigay dhinbiilo dabbaan u shiday dhuun buur buuxaan sitaa dhabeel dumar foosiyaay bushaaradan dhuux warka ah malaa dhoola waa isagu malaa dhaban daad kaskii Isfahan beri hore dhaciyo Heshiis buu dhawrayaa Malaa dhaw dhawdu hee Caduur weli uma dhacsana Wax dhaw buu eegayaa Wax dheer maba fiirin karo Anana hadaliyo dhamaan Waxaanu ku dhaarsanahay Waxaanu u dhaarsanahay Waxaanu ku dhaarsanahay Waxaanu u dhaarsanahay Inaanu dhiigiyo naftaba Agoomii laga dhintee Mujaahid ka dheelmadiyo Hooyadaa dhibka soo martee Asaydu dhixirka u tihiyo Dhulkeena waraabinaa Dib dheeshii loo tumaa Dhabii hore lagu noqdaa Dharaartaa foosiyaay Dhigaygaa badan dadkoo Inaan ku dhintana u dhaw Inaan dacsadana u daaaaaa FG/ waxaan ka codsanayaa cidii si gaar ah ugu diri karaysaa in ay heestan u gudbiso drs foosiya yuusuf xaaji aadan Cidii dooneysa inay muusig u samaysana laxankii waan hayaa ha ilasoo xidhiidho wixii kharash ku baxaayana anigaa qaba laakiin waxa shardi ah inaan waxba laga bedelin ee sideedaa lgu soo saaro heesta DHAMMAAD Leave a comment |
|
hees ku socota wasiirka arimaha dibada soomaliya foosiya yuusuf xaaji aadan
Anigoo ah xuseen xirsicaamir cali Heestan waxaan sameeyey