![]() Muniirka Somaliland today lehi Wuxuu Shaqo Ka Dhigtay Aflagaadada Xubno Ka mid ah Wasiirada iyo Ganacsatada Dalka. Qormadii 2 aad:
Aduunka waxaa ka xadhaa waa taariikh, taariikhduna waa ma guuraan oo waa waxa ku raacaya, markaa hadii aad tahay qof wanaagsan oo cadaali ah iyo hadaad tahay qof xun oo ku can baxay
Aduunka waxaa ka xadhaa waa taariikh, taariikhduna
waa ma guuraan oo waa waxa ku raacaya, markaa hadii aad tahay qof wanaagsan oo
cadaali ah iyo hadaad tahay qof xun oo ku can baxay cadaalad daro,eex iyo
qabyaalad intaba wey ku raacaysa. Hadaba hadaan u soo noqdo dulucda qormadaydan
waxaa dhawaanahan ku soo baxayay wargeyska Somaliland today oo uu leeyahay
wiilka Muniir lagu magacaabo warar lidu ku ah qaar ka mid ah ganacsatada dalka
iyo weliba qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Somaliland. Wiilka yar ayaa waxa
uu ku tilaamay wasiir ka tirsan wasiirada Somaliland oo aan ku cusbayn xilka
dawladnimo balse ilaa xukuumadii Madaxweyne Cigaal ahaa xildhibaan golaha
wakiilada ah, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanada ugu firfircoon golaha
wakiilada , hadaba mudo dheer ku maqnaa wadamada qurbaha oo aqoon iyo waayo
aragnimo ku filan u leh hanaanka dawladnimo iyo sida loola macaamilo dawladaha
caalamka isla markaana aysan jirin luuqad ku adag oo wasiirka dhibtaa basle uu
wiilka yar Muniir lagu magacaabaa uu wasiirka uga dhigayey aflagaado iyo
ceebayn oo kaliya in uu wasiirka ku sheego wasiir aan garanayn luuqada
ingiriisiga markaana uu u kaxaystay agaasimihiisii guud taasi oo wiilka yare e
Muniir nusqaan ku ah in uu waxaasi oo kale uu ku qoro wargeyska uu Wasiir Xirsi
u furay iyo websit-ka Somaliland today oo aad moodo warbaahin cid gaar ah loo
sameystay oo ka madhan dhexdhexaadnimada iyo raacista mabaadiida saxaafada. Akhriste weli miyaad aragtay saxaafad uu nin
wasiir ahi u furtay hadba sidii uu cida uu doonayo ugu aflagadayn lahaa isaga
oo adeegsanaya dad aan aqoon iyo khibrad toona lahayn. Hadaba waxaa jirta in
wasiirka madxtooyadu uu leeyahay wargeys uu dadka uu doonayo in uu sumcadooda
wax u dhimo uu ku aflagaadeeyo, isla markaana uu waxa uu doono ka sheego.
Wargayska uu furtay wasiir Xirsi ee la yidhaa Somaliland today wuxuu caadaystay
cayda qaar ka mid ah ganacsatada dalka iyo wasiirada, iyada oo wiilka muniir ee
tifatiraha ka ahi uu waxa uu doono ku qoro wargeyskaasi iyo websit-kaba . Hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan talo u soo
jeediyo wiilka muniir ee tifatiraha ka ah wargeyska oo aan ku idhaahdo aduunka
taariikh ayaa ka hadhee ayaysan taariikh madoobi ka hadhin intaad is leedahay
wasiir xirsi raali geli, waayo waxaad tahay wiil dhalinyaro ah oo weli
mustaqbalkisii hadhay markaa hadii aanad ka waan toobin sida xun ee aad u
dhaqanto waxaa ka raaci taariikh xumo, waxaan ku xusuusinayaa wasiiradii awooda
badnaa ee xukuumadii Rayaale xagee ayay ku danbeeyeen? Waa la og yahay in
maanta badankoodii ay dadka shaxaadaan waayo waxay calooshooda ka buuxiyeen
noolihii umada taasina waxay horseeday inay barakadii maalka xalaasha ah oo kale ka waayaan lacagaha badan ee a
haystaan markaa hadii aad moodo in wasiiradan maanta ee aad isku halaynaysaa
sii jooganaa ma joogayaan ee barri ayaa la arki iyaga oo dadka shaxaadaya kii
iska ilaalin waayo xoolaha umada, markaa waxaan ku leeyahay jooji cayda aad
cayayso ganacsatada iyo qaar ka mid ah wasiirada. Mr muniir waxaan ku aragnay adiga oo adeegsanaya
awooda wasiirka madaxtooyada oo aad ku maxaabsatid awoodiisa taasina ay ku
sahashay inaad maanta wargeyska laguugu furo xoolaha umada, markaa ilaa hada
taariikhdoodu ma wanaagsana ee is wanaagsi sxb. La soco qormooyinka danbe Qalinka:C/casiis Bashir Nuur Email:info@xogreebnews.com Hargeysa/Somaliland Leave a comment |
|
Muniirka Somaliland today lehi Wuxuu Shaqo Ka Dhigtay Aflagaadada Xubno Ka mid ah Wasiirada iyo Ganacsatada Dalka. Qormadii 2 aad:
Aduunka waxaa ka xadhaa waa taariikh, taariikhduna waa ma guuraan oo waa waxa ku raacaya, markaa hadii aad tahay qof wanaagsan oo cadaali ah iyo hadaad tahay qof xun oo ku can baxay