INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYO-NA DEEGAAMEYNTII BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA!
Qormadii 3 aad:
Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda marka aad nin doonayso ninbaa loogu sii gabadaa, masaajidka laga dhex dhisay dekeda berberana ee loo bixiyey magaca INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYO-NA DEEGAAMEYNTII BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA!
Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaameyntii Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda! Qormadii 3 aad: Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda marka aad nin doonayso ninbaa loogu sii gabadaa, masaajidka laga dhex dhisay dekeda berberana ee loo bixiyey magaca siilaanyana waa mid ujeedada laga leeyahay ay tahay in masaajidku uu ahaado dhuuntii loo sii mari lahaa dekeda berbera oo ileyn wuxuu caqliga fayoobi ina siinayaa in aysan masaajidka iyo dekedu aysan laba magac kala yeelan Karin ee ay wada yeelanayaan hal magac oo kaliya magacaasina uu noqonayo magaca siilaanyo. Hadaba shaki kuma jiro in arintan maanta fududi ay adkaan doonto mudo dhaw markaa kadib waxaan xasuustay qisadan soo socota. Sanadkii 1974-kii markii ay abaartii daba dheer ka dhacday geyiga ay soomaalidu ay degto oo dhan nin waliba wuxuu miciinsaday sidii uu ugu tacabiri lahaa ama ugu dhoofi lahaa wadamada badroolka qaniga ku ah ee khaliijka carabta ee uu sucuudigu ugu horeeyo. Hadaba waxaa dhacday in tuulo ka mid ah tuulooyibka ay soomaalidu degto uu nin ku lahaa jago banaan, hadaba ninkii jagada lahaa markii uu damcay in uu dhoofo ayaa nin ay xasabo ahaayeen uu ka codsaday in uu jagada sii deganaado inta uu maqan yahay marka uu yimaadana uu uga guuro, hadaba ninkii jagada lahaa wuxuu markiiba isku deyey in uu sugo xuduudaha ay jagadu ay leedahay si aysan iskugu dhicin dadka jiiraanka ah iyo ninka meesha ku meel gaadh ahaanta u sii degeni waxaanu ninkii markiiba soo qaaday afar qodin oo waaweyn waxaanu afarta koone ee jagada ka taagay iyada oo ay tuuladoo dhami ay arkayso kadiba wuu dhoofay, waxaase dhacday in markii uu mudo yar sii maqnaa ninkii jagada lahaa uu ninkii ku meel gaadhka u deganaa jagadu uu meeshii ka dhex dhisay guri daar ah oo laba maqsi ah waxaanu ku guursaday gabadh caruurna u dhashay mudo yar ka dibna wuxuu ka dhex qotay barkad afartii qodin ee uu ninkii jagada lahaa ka sii taagayna sidoodii ayuu u daayey. Hadaba markii uu soo noqday ninkii jagada lahaa wuxuu ku yidhi meesha iiga guur daaradaydiiayaad bino ka dhex dhisatay markii ay labada nin ay is qabsadeen iyada oo ay isku haystaan mulkiga jagada waxaa arintii u baxday xeer beegti dhaqanka soomalida marka la eegana xeer beegtidu waxay wax ku kala xukuntaa wixii ay golaha kaga dooodaan dhinacyada is hayaa oo hadii nin gartiisa garan waayo xeer beegtidu xaq uma laha inay u toosiso garda soomaaliduna waa carab iyo wixii lagu hadlo oo kaliya. Goobta la fadhiyaa waa jagada lafteedii waxaana hadalkii qaatay muducigii oo ahaa ninkii jagada lahaa oo inta uu kacay ayuu afartii qodin ee meesha ka taagnaa marba mid taabtay oo uu yidhi in aan afrataa qodin leeyahay oo ay kuwaygii yihiin muducibaan ahayn oo muduci markhaati lehbaan ahayn oo markhaati goob joogbaan leeyahay. Intaa kadib waxaa hadalkii la wareegay ninkii jagada deganaa oo yidhi intaa uu sheegayba inay jirto markhaati iguma furo anaa furay markhaatigii loo watoowba iska kac , afarta qodina hadii uu imika la baxaayo anigu kuma haysto waxaanse ka hadlay in aan jagadan aynu fadhino leeyahay oo aan bino ka dhistay oo aan ubad ku dhalay oo aan wixii dhul lagu mulkiyi jiray aan ku mulkiyey isla markaana aanu goobta ka hadlin muduci dhulka igu haystaa sidaa darteed in dacwadaasi ay soo oodantay mudaceybaan ahay oo mudacelay markhaati leh baan ahay oo markhaati xeer beegtibaan leeyahay. Hadaba markii uu ninkaasi uu xeer beegtidii uu marag u qabsaday ee ay gudidii gaar ay iskugu baxday waxaa u cadaatay in labadii nin uu midkood ku dooday afarta qodin kalena aanu ku qabsan kii kalena uu ku dooday jagadii sidaa darteed gudidu waxay u xukuntay nin waliba wixii uu ku dooday ee aanu kala ku qabsan. Hadaba saaxiibayaal waxaan qisadan uga danleeyahay masaajidka dekeda berbera laga dhisay ee magaca siilaanyo loo bixiyey waa laabdii maqsin iyo markadii uu ninkaasi ka dhistay jaagdii uusan lahayn ka diba uu ku mulkiyey goorkasta ha noqotee marka uu arintaasi murankeedu soo baxana wuxuunbay noqon doontaa dhacdadaa aan ka soo waramay oo raga haga siilaanyo ka soo jeeda waxay odhan doonaan badh geel muran ma leh dekeda cida uu magaceedu uu ku baxay ayaa iska leh, dadka kale ee deegaankuna waxay leeyihiin afarta qodin ee dekeda hareereheeda ka taagan hadii ay la baxayaana kuma haysano. Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo. DAB DHAXMOODAY!!! Doc kastoo la eego Nolosha dunidu waa dabkee Haddu dabkii dhaxmoodo Maxaa lagu diiriyaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee! Adoo deggan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii. Ruux haddii la doortoo Darajada la saariyo Xilkii daryeeli waayo Dab dhaxmooday weeyee Waa su aal da weynoo Madaxa daalinaysee! Wixii lagu diirinaayo Dad weynahaa la weydiin DUR DUR OOMAY !!! Durdurkaa laga cabbaa Biyihiis lagu dabaashaa Hadduu harraad dareemo Darkee laga waraabshaa? Waa tilmaan la daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo degan ufiirsoo Ujeedada ideeqsii! Ruuxa duunyo haystee Dahabkana barkanayee Wixiisii deeqi waayaa Durdur oomay weeyee Waa su aal da weynoo Madaxa daalinaysee! Darkii laga waraabin Dadweynahaa la weydiin. DAWO BUKOOTAY !!! Qofkii cudur dilaayo Dawadaa bogsiisee Haday dawo bukooto Maxaa lagu dabiibaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee Adoo degan ufiirsoo Ujeedada ideeqsii. Dalaalimada diintiyo Distoorka iyo xeerka Haddii dabool lasaaro Dawo bukootay weeyee Waa su aal da weynoo Madaxa daalinaysee Wixii lagu dabiibi Dadweynahaa la weydiin DUFAN BASAASAY !!!Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane Hadduu dufan basaaso Maxaa duxdii ka qaaday Waa tilmaan la daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo deggan ufiirsoo ujeeddada i deeqsii Isku soo wada duuboo La Soco Taxanaha qormooyinka danbe. Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur Tel:4425243 Email:suudi88@gmail.com Hargeysa/Somaliland Leave a comment |
|
INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYO-NA DEEGAAMEYNTII BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA!
Qormadii 3 aad: Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda marka aad nin doonayso ninbaa loogu sii gabadaa, masaajidka laga dhex dhisay dekeda berberana ee loo bixiyey magaca