![]() Kooxaha Burcad Badeeda Oo Qafaashay Markab Lagu Magacaabo MV Marzooqah
Muqdisho(xogreebnews.com-Kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya, ayaa waxay qafaasheen markab magaciisa lagu sheegay MV Marzooqah, xilli uu gelinkii dambe ee Sabtidii uu maraayay Badda Cas. Markabkaan oo aan la shaacin dalka laga lee yahay, ayaa waxaa hadana la sheegay in ay la socdeen Shaqaale u kala dhashay Wadamada India, Masar iyo Syria. Iyadoo aan la sheegin tirada Shaqaalaha ee markabkaasi saaran.
Afhayeenka Ciidamada Badda ee Ururka Midowga Yurub haweeneyda lagu magacaabo Jacqueline Sherriff, oo la hadashay Warbaahinta, ayaa waxay sheegtay in burcad badeedu ay qafaasheen markabka MV Marzooqah. Waxay sheegtay in ay soconayaan baaritaano la xiriira burcad badeeda qafaashay markabkaasi, halka ay markabka ula dhaqaaqeen iyo waxa uu yahay dalabkooda. Sidoo kale waxay xustay in markabkaan uu sanadkii 2011-kii ka baxsaday gacanta kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida, xilli ay doonayeen in ay ka qafaashaan Gacanka Cadmeyd. Weerarka ay burcad badeedu ku qafaasheen markabkaan, ayaa noqonaaya noociisii ugu horeeyay oo ay sanadkaan cusub ku qabsadaan markab. xogreebnews.com- Muqdisho Office Leave a comment |
|
Kooxaha Burcad Badeeda Oo Qafaashay Markab Lagu Magacaabo MV Marzooqah
Muqdisho(xogreebnews.com-Kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya, ayaa waxay qafaasheen markab magaciisa lagu sheegay MV Marzooqah, xilli uu gelinkii dambe ee Sabtidii uu maraayay Badda Cas.