Xildhibaan Jaamac Riyo Oo weerar lala beegsaday dusha ka saaray inuu ka dambeeyey Xildhibaan Nac-nac

0
Wednesday January 15, 2014 - 17:57:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jaamac Riyo Oo weerar lala beegsaday dusha ka saaray inuu ka dambeeyey Xildhibaan Nac-nac

    Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo, ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar uu nin kula beegsaday isagoo ku sugan xarunta Golaha Guurtida,waxaanu weerarka dusha ka saaray Xildhibaan Nacnac oo sheegay inuu hees uu sameeyey u bedelay mid reeraysan, isla markaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo, ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar uu nin kula beegsaday isagoo ku sugan xarunta Golaha Guurtida,waxaanu weerarka dusha ka saaray Xildhibaan Nacnac oo sheegay inuu hees uu sameeyey u bedelay mid reeraysan, isla markaan uu qarash ku bixiyey isaga Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo, ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar uu nin kula beegsaday isagoo ku sugan xarunta Golaha Guurtida,waxaanu weerarka dusha ka saaray Xildhibaan Nacnac oo sheegay inuu hees uu sameeyey u bedelay mid reeraysan, isla markaan uu qarash ku bixiyey isaga iyo rag kale sidii ehelkiisu u qaban lahayeen shirjaraa’id oo ay ku beeninayaan heestiisa.
Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa weerarkiisa budhig uga dhigay inay ka dambeeysay markii uu sameeyey hees aad u dhaliilaysa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo. Xildhibaan Riyo oo faahfaahin ka bixiyey sida weerarku u dhacay ayaa yidhi “Waxay ahayd 10:30 kii subaxnimo oo aan ku sugan goobta shaqada ee Golaha Guurtida, marka shaqo ma jirin saaka (shalay) oo aan ku war helay in aanay shaqo jirin dambeedna waxaan fadhiistay maqaaxi yar oo meesha dhexdeeda ku taalla oo ninka nabarka ii gaystay iyo mid ka mid ah kuwa xiskooda la isticmaallo kuwa ugu weyn ninka la yidhaahdo (Nacnac) anigu ma odhan karo xildhibaannee oo ninka ay wadda-socdaan ayaa iskay soo barbartaagay, dabadeetan ninkii ayaa koob shaaha ayuu gacanta ku haystay dabadeedna dhinac buu igaga shucabay shaahi, dabeeto wuu cararay kadib askarti ayaa ka daba tagtay oo waa la qabtay oo imika wuxuu ku xidhan yahay saldhiga dhexe.”Ayuu yidhi Jaamac riyo Xildhibaanku waxaa kale oo sheegay in aanu garanayn ninka soo weerar oo aanay aqoon isku lahayn isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Marka ninkaasi nin wax naga dhexeeyey maaha, nin golaha ka tirsan maaha, nin aan aqoon u leeyahay maaha, marka wuxuu u muuqday nin la waddo waxaanan filayaa in sheekadu ninka markaaba la socoday ee aan magaciisa hore u soo xusay iyo cidii kale ee ka sii dambaysaa way iska soo wada bixi doonaan, waxaanu nuxurka lagu weeraray noqonayaa wax kale maaha waa heestii aan midaheeda galiyey dhawaan media-ah oo imikan soo bixitaankeedii dhaw-dhaw yahay waan sababta lagu weeraray waataa.” Xildhibaan Jaamac ayaa weerarkiisan dusha ka saaray xildhibaan Nac-nac oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland“Ninka aad sheegaysayo anigu xildhibaan uma aqoonsaniyee ninka ka mid ah dadka xiskooda la isticmaallo hore ayaanu isku haysanay oo heestu markii ay soo baxday ayuu qaylo-dheer ooda ka qaaday oo xitaa heesta oo ku socota xukuumada uu bedelay waa reer, waxaa horre u dhacday in qayb kamid ah ehelkayga oo burco degan oo metal nin aanu walaalo nahay ay isaga iyo niman kale oo isla xaafad ahi ay lacag ugu direen burco oo ay laheed shir-jaraa’id qabta oo cambeereeya jaamac reerkan xaal si ninkan nabarka igu dhuftayna wuu la socday.”ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Riyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured