Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Loo Doortay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey

0
Wednesday January 08, 2014 - 17:46:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Loo Doortay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey

    Garoowe(xogreebnews.com-Gudigga doorashada madaxtinimo ee maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in xilka Madaxweyne ku-xigeen uu ku guuleysay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey, kadib markii uu cod aqlibiyad leh ka helay Golaha Wakiilada ee Puntland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(xogreebnews.com-Gudigga doorashada madaxtinimo ee maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in xilka Madaxweyne ku-xigeen uu ku guuleysay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey, kadib markii uu cod aqlibiyad leh ka helay Golaha Wakiilada ee Puntland, iyadoo uu ka guuleystay Garoowe(xogreebnews.com-Gudigga doorashada madaxtinimo ee maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in xilka Madaxweyne ku-xigeen uu ku guuleysay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey, kadib markii uu cod aqlibiyad leh ka helay Golaha Wakiilada ee Puntland, iyadoo uu ka guuleystay C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” oo xilkaasi kula loo lamayay.
Gudigga doorashada Puntland ayaa sheegay in C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey uu helay 48 cod, halka C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” uu isna helay 16 cod, waxaana qasaartay hal cod, iyadoo tirada codeysay ay gaarayso 65 Mudane, halka uu goobta ka maqnaa hal Mudane.

Gudigga doorashada ayaa sheegay in tartanka Madaxtinimo ee Puntland ay sidaasi ku soo gabo gabowday, iyadoo Madaxweynaha Maamulkaasi uu ku guuleystay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana ku-xigeen u noqday C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey.
Doorashada ayaa lagu kala baxay wareeggii saddexaad ee tartantan, iyadoo wareeggii labaad ay isku soo hareen Saddex Murashax oo kala ahaa C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey, C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” iyo C/samad Cali Shire oo isugu horey u ahaa kuxigeenkii C/raxmaan Faroole, waxayna taasi keentay in ay labo murrashax oo qura ay isku soo haraan, iyadoo aaqirkii xilka Madaxweyne ku-xigeen uu ku guuleystay C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo helay codad dhan 48 cod.
Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo doortay, isagoo balan qaaday in uu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee isna maanta la doortay ee C/weli Maxamed Cali Gaas.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay musharax C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” oo shaaciyay in uu aad ugu qanacsanyahay tartanka lagaga guuleystay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in doorashadu ay si hagaagsan ku dhacday.
Munaasabad lagu dhaarinayay Madaxweynaha Cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisa C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee baarlamaanka, iyadoo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Puntland.
Doorashada ayaa si nabad gelyo ah ku dhacday, iyadoo aysan jirin cid muran ka keentay.
Xogreebnews.com-office Garoowe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured