MAALINTA SAXAAFADA SOMALILAND OO LAYSKU ARKAY ,IYO WASIIR CUKUSE OO DARJIIDHAY SIDIISI.

0
Saturday November 09, 2013 - 20:45:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAALINTA SAXAAFADA SOMALILAND OO LAYSKU ARKAY ,IYO WASIIR CUKUSE OO DARJIIDHAY SIDIISI.

    Saxaafadda Somaliland ayaa maalintan isku raacday inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland oo ah maalintii uu geeriyooday Suxufigii hirgaliyey saxaafada madaxa banaan Maxamuud Cabdi Shide oo dalka ka hirgaliyey jaraa’idka casriga ah, isla mark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafadda Somaliland ayaa maalintan isku raacday inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland oo ah maalintii uu geeriyooday Suxufigii hirgaliyey saxaafada madaxa banaan Maxamuud Cabdi Shide oo dalka ka hirgaliyey jaraa’idka casriga ah, isla markaana hanti badan galiyey sidii warbaahin Hargeysa(xogreebnews.com-Somaliland ayaa laga xusay sanad guuradii 15aad ee ka soo wareegtay maalinta loo asteeyey maalinta saxaafadda Somaliland oo sanad kasta loo dabaaldego bisha November 9-keedda.
Saxaafadda Somaliland ayaa maalintan isku raacday inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland oo ah maalintii uu geeriyooday Suxufigii hirgaliyey saxaafada madaxa banaan Maxamuud Cabdi Shide oo dalka ka hirgaliyey jaraa’idka casriga ah, isla markaana hanti badan galiyey sidii warbaahin madax banaan loo hirgelin lahaa.

Munaasibadda loogu dabaaldegayey maalinta saxaafada Somaliland ayaa lagu xusay hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay xisbiyad mucaaradka, wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo suxufiyiin faro badan.
Guddoomiyaha ururka saxaafada SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka sheekeeyey carqaladaha warbaahinta hortaagan iyo sidii looga hortagi lahaa xeerka saxaafadda ee lagu cabudhinayo warbaahinta madaxa banaan, sidoo kale, waxa uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwo muxaafadka ahba aan la kala jeclaysan.
Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Afhayeenka iyo xoghaya xisbiga wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,Maxamed Xasan Dirir, Xildhibaan Cali Koore oo ka socday Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantoodbaa warbaahinta ku hambalyey horumarka ay gaadhay iyo sanad guuradii 15aad ee ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.
Sidoo kale, waxay si adag uga hor yimaadeen xeerka ay xukuumadu dabadda ka riixayso ee ka hor imanaya madaxa banaanidda xoriyatul qawlka Somaliland.
“Kali-talisnimada maaha askar talada la wareegta uun sidii Adeerkay Maxamed Siyaad Bare oo kale, laakiin kalitalinimaddu waa qofka oo loo diido in uu Ra’yigiisa u madaxa banaanaado, inuu hadli kari waayo, madaxweynaha oo diida in tallo la siiyo iyo in la cabudhiyo xoriyatul Qawlka iyo wuxuu aaminsanyahay ayaa looyaqaan kaligii taliye ”ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah madasha wadatashiga iyo toosina Somaliland.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay ruug cadaayaasha warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ducaale, Xuseen Cali Nuur, Cabdilaahi Wayab iyo Faysal Cali Sheekh oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee saxaafada Somaliland soo martay iyo sababta maalintan loogu doortay inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland, wallow ay jirtay maalintii ugu horaysay ee wariyeyaal farobadan hal mar la wada xidhay oo ahayd bishii june 1993 kii, haseyeeshee maalintan loo doortay markii uu dhintay halyeygii saxaafadda Somaliland ee warbaahinta casriga ah dalka ka hirgaliyey.
Wasiir warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in maalintan oo kale ay ahayd in laga hadlo taariikhdii warbaahinta Somaliland soo martay iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta, waxaanu warbaahinta usoo jeediyey in aanay waxba ka qorin siyaasiyiinta cadhaysan iyo kuwo xil doonka ah ee hadaladda aan munaasibka ahayn ku hadla, isla markaana mararka qaarkood qaranimada wax ka sheegaya.
Sidoo kale, wuxuu xusay in loo baahan yahay in xeer raali laga wada yahay la sameeyo, isla markaana la isku yimaado warbaahinta, ururada bulshada, ururada qareenadda Somaliland, ururada xuquuqul iinsaanka iyo culimadda si loo sameeyo xeer saxaafadda lagu hago si aanu qof kasta waxa uu doono u qorin, isla markaana lagu kala badbaado.
Wasiir Cukuse ayaa ku faanay in markii uu wasiirka noqday in 24 saacadood nin suxufi ahi xidhnaan, isla markaana uu markiiba soo daayo hadii wariye la xidho, isagoo sheegay in labaatankii sanadood ee u dambeeyey ka mid ahaa warbaahinta madaxa banaan, isla markaana uu ka mid ah mulkiilayaasha xarumo warbaahineed oo madaxa banaan
“Xukuumadani madaxweyne Siilaanyo waxay xilal sare u magacowday wariyeyaal, isla markaana madaxweynaha kama suurowdo inay cabudhiyaan warbaahinta, laakiin waa loo hiilinayaa si mustaqbalka warbaahinta madaxa banaan usii jiri karto ”ayuu yidhi Cukuse wasiirka warfaafinta oo la garnaqsanayey Siyaasiyiinta mucaaradka oo si adag u dhaliilay xukuumadda.
Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta mucaaradka ah oo hore uga caban jiray in munaasibadaha xukuumadu ka soo qaybgasho in aan loo ogolaan inay ka hadlaan, ayaa maanta Ururka Saxaafada Somaliland u ogolaadeen inay xisbiyadda iyo Madasha wadatashiguba ka hadlaan, kuwaas oo fursad u noqotay ay ku bandhigaan dhaliilaha xukuumadda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured