Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaabka Kenya.

0
Thursday November 07, 2013 - 19:48:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaabka Kenya.

    Hargeysa (xogreebnews.com--Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland. Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii ka socday dalka Kenya ee maalintii shalay dalka booqashada ku yimid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com--Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland. Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii ka socday dalka Kenya ee maalintii shalay dalka booqashada ku yimid. Hargeysa (xogreebnews.com--Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland. Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii ka socday dalka Kenya ee maalintii shalay dalka booqashada ku yimid. Halka sidoo kalena ay weftigu ka qayb galeen kulan labada gole ee baarlamaanku si wada jir ah u qabsadeen maanta.
Kulankii uu madaxweynuhu ku qaabilay weftiga ka bacdi ayaa Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibaddu wwaxa uu ka warbixiyey waxyaabahii uu Madaxweynahu kala hadlay weftiga, waxaanu sheegay in laga wada hadlay sidii labada madaxweyne ee Somaliland Iyo Kenya ay Booqashooyin ku tagaan labada dal

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu xusay in madaxweynuhu kala hadlay weftiga sidii dawladda Kenya ay gacan uga geysan lahayd dedaaladda aqoonsi raadinta Somaliland.
Weftiga waxaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Md Maxamd Biixi Yoonis.Dhanka kalena xubnaha weftiga reer Kenya waxa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta shirkadaha dahabshiil iyo Som-Cable.
Madaxa weftiga ka socda dalka Kenya Mss Aniya Kabita oo iyana kulamadaas ka dib saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay booqashadan ay ku joogaan Somaliland iyo qaabilaadda diirran ee ay la kulmeen, waxaanay xustay xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyey labada dal, kuna ballan-qaaday inay booqashadoodu marka ay u dhammaato ay dawladda iyo shacabka reer Kenya u gudbin doonaan horumarka iyo nabadgelyada ay ku talaabsatay Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured