![]() MUNASIIBADI UGU CUSLAYD EE WADDANI U QABTO XILDHIIBAANO KUSOO BIRAY,“Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargeys Waxay ka Miisaaniyada Badan yihiin Golaha Wakiilada” Cabdiraxmaan Ciro.
Hargeysa (xogreebnews.com) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u samaayey Lix xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland oo ku biiray xisbigaasi.
Munaasibada oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Hogaanka xisbigaasi, garabyada kala duwan ee dhalinyarada iyo haweenka, xildhibaanada xisbigaasi ugu jira golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo deegaanada dalka iyo marti sharaf kale.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey xildhibaanadan ku soo biiray xisbiga WADDANI " anigana sharaf ayey ii tahay oo labadii xildhibaan ee ugu miisaanka culus gobolka Awdal ayaa maanta ku soo biiray xisbigan aadna waanu ugu faraxsanahay.” Ayuu yidhi Mr. Seed Mudane Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ahaa xildhibaanadaasi munaasibada loo qabtay ayaa waxa uu Xukuumadda ku Eedeyey inay ku tumatay sharcigii dalka waxaanu yidhi “ Xukuumadda talada haysa waxaad mooda in hab dhaqankeedu yahay mid salsallaaba, oo uu ka muuqdo hadhaagii dhaqankii kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waayo maxaan caynkaas u leeyahay ileen waa xukuumad la doortay oo si sharciya lagu doortaye Waxaan sidaas u leeyahay waxbay la wadaagtaa nidaamkaas, waxay la wadaagtaa Ixtiraamdarada sharciga, Ixtiraamdarada xoriyatul qawlka, ixtiraamdarada xuquuqal iinsaanka, ixtiraam darada Dastuurka dalka, waxaan leeyahay Siyaad Barre taangi ayuu dalka ku qabsaday oo labaatan sano ku haystay, baarlamaana ma lahayn Dastuurna ma lahayn, axsaanba ma lahayn, isagaa kaligii ka talin jiray dalka, aakhirkiina xoog ayaa laga qaaday, idinku uma ekaan kartaan, waayo dalkani waa dal dumuquraadi ah, sharci, Xisbiyo qaran, dastuur, iyo baarlamaan ayuu leeyahay, saxaafadda xor ah ayuu leeyhay, markaas uma ekaan kartaan nidaamkii SIyaad bare.” Ayuu yidhi Md. Rayte. Xildhibaan Muj. Aadan Mataan Hoori oo isaguna ka mid ahaa mudanayaasha WADDANI ku biiray ayaa ku hanjabay inay ka xisbi ahaan wax iska celin doonaan waxaanu yidhi “ waar WADDANI hadii aynu nahay, dee masaakiin wax uun dajinaysa oo Nabiga NNKH, ha lagu saliyo uun leh, oo meel uun iska fadhida adeer taasuun la soo taagnaan mayno, waar adeer waxay ahayd in xisbiga dalka haystaa (Kulmiye) inuu isagu dadka baryo, oo maslaxo, laakiin hadduu isagu xadhigii iyo xabbadii bilaabay adeer waanu iska celinaynaa, oo waanu iska celinayaa, oo WALAAHI inaan aqbalayn, in hablahayagii oo Luul ka mid tahay in hortayada lagu jiid jiido, iyo in Xildhibaan suuqa xabbad lagu eryado WALLAAHI inaan mar dambe la aqalayn taas.” Ayuu yidhi Muj. Mataan Hoore. Ugu danbayntiina Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey Mudanayaasha ku biiray WADDANI, waxaanu yidhi “ waxaan halkan ku soo dhawaynayaa mudanayaal ka tirsan Golaha wakiilada oo ka mid ahaa axsaabtii Qaranka, ama ururadii siyaasadda ee Somaliland sida uu jideeyey (xeer No:14) mudanayaasha ay xisbiyadoodu dhacay ama ururadii aan ku guulaysan doorashada waxa uu farayaa inay ku biiraan sadexda xisbi kii ay doonaan, waxa maanta munaasibada aynu halkan ugu qabanay mudanayaal markii ay ka baaraan dageen xisbiyada qaranka iyagu iskood u go,aansaday inay ka mid noqdaan xisbiga Qaranka ee WADDANI, qalbi furan iyo gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa mudanayaashaas oo ay ka mid yihiin Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamc (Xoog), Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), Muj. Aadan Muxumed Hoori Alamagan, (Mataan), Cabdiqaadir Jibriil tukaale Bahal, iyo Saciid Warsame Gaane, aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga iyo taageerayaasha Xisbiga waan leeyahay soo dhawaada, mudanayaasha maanta halkan ku soo biiray maaha shaqsiyaad kaligood socda ee waxay wataan dad waxaan rajaynayaa in dhamaan dadkaasi ay ka mid noqdaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxay arrintaasi muujinaysaa xisbiga kortaankiisa, iyo raqbada ay shacabku u hayaan xisbiga WADDANI, waxay maanta ka mid yihiin madaxda xisbiga WADDANI, waxay dhamaantood ka mid noqonayaan Golaha dhaxe ee WADDANI.Ayuu yidhi Md. Cirro. “ Tv-ga qaranku wuxuu maanta la miisaaniyad yahay Golaha Wakiilada, hadii Idaacadda lagu darana ka badan, Wasaaradda hadii loo geeyana kaba siid daran, markaas Masuuliyiinta Tv-ga qaranka iyo radio hargeysa iyaguna way og yihiin, waanan ugu celinaynaa inay hantidaasi tahay hanti qaran oo loo siman yahay xukuumad iyo axsaabta qarankaba, oo qof kasta oo muwaadin ahi uu wax ku leeyahay, waxaanu rajaynaynaa una soo jeedinayaa in wararka ay sii daynayaan noqdaan warar miisaaman oo dhex dhexaad ah, waxa aanu ugu digaynaa in Tv-ga qaranka iyo Radio Hargeysa ay noqdaan godad abeeso oo mucaaridka lagu qanqaniino.” Ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro. Gudoomiyaha WADDANI ayaa geesta kale iclaamiyey inuu xisbigiisu aqbalay dalab uga yimid Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ku saabsanaa in Axsaabta Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ay ka aqbalaan qabashada shir weyne Qaran oo lagu lafa garo xaaladda cakiran ee dalka waxanu yidhi Mr. Cirro “ waxaa ogaydeen in Madasha wadatashigu intay saxaafadda la hadleen soo jeediyeen in doodihii ay rabeen inay qabtaan ay ku soo wareejiyeen inay qabtaan Axsaabta mucaaridk ahi, marka hore waxaan jecelahay inaan bogaadiyo madasha wadatashiga oo aan ku bogaadiyo in iyagoo ixtiraamaya sharciga ay arrinta ku soo celiyeen cidii sharciga u lahayd, waxa kale oo ay soo jeediyeen inay labada xisbi ay aqalabaan marti galinta iyo fudaydinta shirkaas qaran taasina wax inagu cusub maaha, Asaxaabta mucaaridka ahina hore ayey u qabteen, gaar ahaan kulmiye iyo UCID oo wakhtigaas mucaarid ahaa.” Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey Liiska Shan xubnood oo xisbigiisu u xilsaaray inay ka shaqeeyaan qabasha shirkaasi qaran waxaanu yidhi“ Xisbi ahaan markii aanu ka tashaynay soo jeedintoodaas waanu aqbalaynaa, waxaan se raacinayaa arrinta waxa lagu tilmaamay arrin qaran, markaas way u banaan tahay inay ka soo qayb galaan, Golayaasha kale ee dastuuriga ahi ee ay ka mid tahay Xukuumadda, Golaha wakiilada, golaha guurtida, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, ka xisbi ahaan kulan dheer ayaanu arrintaas ka yeelanay, waxa aanu go,aansanay in guddi arrintaas lafagurkeeda iyo guda galkeeda ka shaqeeya uu xisbigu magacaabo, xubnaha waxa ka mid ah Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Dr. Maxamd Cismaan Fadal, Xasan Xuseen Codyare, Xildhibaan Baar Saciid, Xildhibaan Ibraahim Jaaamc Rayte.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi. Leave a comment |
|
MUNASIIBADI UGU CUSLAYD EE WADDANI U QABTO XILDHIIBAANO KUSOO BIRAY,“Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargeys Waxay ka Miisaaniyada Badan yihiin Golaha Wakiilada” Cabdiraxmaan Ciro.
Hargeysa (xogreebnews.com) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u samaayey Lix xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland oo ku biiray xisbigaasi.