MADAXWAYNAHA OO AAD CAYDAA MAAHA MUCAARD NIMO
Maantana waa madaxwaynaha Somaliland oo udiyaara horu marka dalka iyo dadka.
Waa maalintii ugu haraysay ee aan maqaal qoro aniga oo aan ahayn inan yar dal kana aan kamaqnayn
ee kamid ahaa dhalin yaradii wadanka xoraysay oo ku jiray kuwii soo galay hargaysa
1988 hadaba manta waxa igu kaliftay arin aan aad ula yaabay
Intaanan ujeedada guda galin waxa dalka soo maray afar madaxwayne
1- C/rahmaan Axmed Cal
2- Maxamed Ibraahin cigaal
3-Daahir Riyaale Kaahin
Dhamaan toodna waa lacaayi jiray mid shaqsi mid qoys iyo mid guudba
4- maanta iyo Axmed Siiraanyo
Siiraanyo manta maaha mid ku cusub somaaliland ee waa halyay gii hogaaminayay
SNM 1988 waxaana uu ah wasiirkii u horeeyay ee misaniyad qaranku leeyay soo diyaariyay
Ee barlaman hor keena
Waana musharaxii u horeeyay ee afrikaan ah ee kuqancay 80 cod ayaa lagaaga helay
Maantana waa madaxwaynaha Somaliland oo udiyaara horu marka dalka iyo dadka
Waxaanan leeyahay madaxweyne dadku way barteen qof xilwaayay oo suuqa istaaga
Waayo 21 sano ayaa la arkaayay nin marka uu xil hayana amaana wadaxwayana markuu xilka kaqaadana caaya kuwa noocaas ahi maxay xumaanta jirta usheegi waayeen markay xilka hayaan
Ama shaqada uga tagi waayeen oo ay u odhan waayee xumaan taas uu madaxwaynuh samaynayo ayaan diiday
Dadkuna maaha computer waxa laga deleta gareeyo waxan lagu shubto ee ha ogaado ninka waxa sheegayaa in laxasuusanyahay wixii uu hore uusheegay iyo wixii uu qaban jirayba
Waxa kale oo aan la hadlayaa Dadaka leh ucid iyo wadani maaha mucaaradna waxaa aan leeyahay
Ucid iyo wadani labaduba waa xisbiyo mucaarada lakiin maaha qaar doonaya kursiga oo qudha oo intay hargaysa fadhiisaan madxwaynah caydiis kashaqeey ee intaa waxay dabadah u wareegayaan danta Somaliland wixii dhaliilana waysheegaan ee macaytamaan mucaaradkuna waa inuu ka shaqeeyaa dant dalk iyo dadka tilmaamo wanaagsana bixiyaan
Keyse Cali Nuur
Berbera/Somaliland
Leave a comment |
|
MADAXWAYNAHA OO AAD CAYDAA MAAHA MUCAARD NIMO
Maantana waa madaxwaynaha Somaliland oo udiyaara horu marka dalka iyo dadka.