![]() Al-Shabaab Oo Shaacisay In Uu Dhamaaday Howlgalkii Westgate, Ragii Weerarka Qaadayna Dhamaantood Dhinteen Kadib Markii Sun Lagu Buufiyay
London(xogreebnews.com-— Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhawayd shaaca ka qaaday in uu soo gaba gaboobay Howlgalkii Westgate Mall kadib afar maalmood oo ay halkaasi haysteen dagaalyahano hubaysan oo katirsan Al-Shabaab .
Warbaahinta Al-Shabaab iyo Bogooda Twitterka ayaa lagu baahiyay in uu soo dhamaaday howlgalkii Westgate Mall ayna dhamaan geeriyoodeen ragii Al-Shabaab katirsanaa ee gudaha ugu jiray dhismaha Westgate Mall afartii maalmood ee lasoo dhaafay .
Barta Twitterka Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in uu guuleystay howlgalkii Westgate Mall,tobaneeyo laheystayaal ah ayaa larumeysanyahay in ay ku dhinteen dhismaha saacadihii ugu dambeeyay ee dagaalka. Al-Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamada Kenya iyo kuwa kasocday Reer Galbeedka iyo Israa’iil in ay sun halis ah ku buufiyeen Dhismaha Westgate Mall taa oo keentay in ay dhintaan dagaayahanadii Shabaab katirsanaa ee ku jira dhismaha Westgate iyo dadkii gacanta ugu jiray kooxdaasi. Warbaahinta ayaan wali loo ogolaan in ay u dhawaadaan xarunta Westgate Mall waxaana lasoo tabinayaa in dhismaha Westgate qeybo badan oo kamid ah ay gubteen halka kuwa kalana lasoo warinayo in ay dumeen, Ciidamada Kenya ayaa ku howlan soo daad gureynta dad ku dhintay gudaha Westgate Mall waxaana lasoo sheegayaa in dadka dhintay qaarkood ay gubteen halka kuwa kana ay ku dumeen halkii ay kaga jireen xarunta Westgate. Madaxweynaha Kenya ayaa xalay shaaca ka qaaday in ay soo afjareen howlgakii Ciidamada Kenya ku baacsanayeen kooxihii hubeesnaa ee heestay Xarunta Westgate waxa uuna xusay in ay dileen ilaa 5-katirsan ragii xooga ku heestay Xarunta ganacsiga Westgate. Xaalada Xarunta Westgate ayaa hada ah mid dagan waxaana halkaasi kusugan kaliya Saraakiisha iyo ciidamada amaanka Kenya kuwaa oo dadka iyo warbaahintaba u diiday in ay galaan xarunta . Leave a comment |
|
Al-Shabaab Oo Shaacisay In Uu Dhamaaday Howlgalkii Westgate, Ragii Weerarka Qaadayna Dhamaantood Dhinteen Kadib Markii Sun Lagu Buufiyay
London(xogreebnews.com-— Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhawayd shaaca ka qaaday in uu soo gaba gaboobay Howlgalkii Westgate Mall kadib afar maalmood oo ay halkaasi haysteen dagaalyahano hubaysan oo katirsan Al-Shabaab .