Sheekh Cali Dheere “Dawlada Kenya Haddii Ay Doonayso Nabad, Waa In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdaa Soomaaliya”

0
Sunday September 22, 2013 - 20:38:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Dheere “Dawlada Kenya Haddii Ay Doonayso Nabad, Waa In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdaa Soomaaliya”

    Muqdisho(xogreebnews.com-Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay weerarkii ay sheegteen ee lagu qaaday dhismaha ganacsi ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in haddii Kenya ay doonayso nabad ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay weerarkii ay sheegteen ee lagu qaaday dhismaha ganacsi ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in haddii Kenya ay doonayso nabad ay tahay in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya. Muqdisho(xogreebnews.com-Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay weerarkii ay sheegteen ee lagu qaaday dhismaha ganacsi ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in haddii Kenya ay doonayso nabad ay tahay in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere ayaa ku sheegay weerarkan inuu yahay mid jawaab u ah xasuuq uu sheegay in ay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay qaar ka mid ah gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ka geysteen.

“Kenya haddii ay doonayso nabad waa inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, waayo dhibaatada ay maanta ka arkayaan Nairobi iyo dhiigga ku qubanaya waddooyinka waaweyn, waa mid la mid ah kuwii ay ciidamadoodu ka geysteen Soomaaliya,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.
“Dadweynaha Kenya haddii ay la yaaban yihiin waddooyinka Nairobi oo xidhan iyo dhiiggooda oo dhulka ku daadanaya, waxaa la gudboon in laba arrimood ay kala doortaan, taas oo ah inay nabad-galyo xumada ku sii jiraan iyo inay ku qasbaan madaxdooda inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya,” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka Al-shabaab.
Sheekh Cali Dheere ayaa ku faanay in ciidamadooda shalay weeraray ay ku sugan yihiin weli gudaha xaruntaas oo ay ciidamada Kenya ku dhici la’yihiin inay ka saaraan, isagoo sheegay in xoogaggaas ay beegsanayaan cid walba oo ay u arkaan cadow.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured