HORAA LOO YIDHI INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYANA DEEGAAMEYNTA BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA. QORMADII 1-AAD.
Qalinka:C/risaaq Suudi NuurHoraa Loo Yidhi Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyana Deegaameynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.
Qormadii 1-aad.
Dadweynaha reer Somaliland waxay isweydiinayaan sababta masaajidka laga dhisay berbera loogu bixiyey magaca Siilaanyo, iyada oo madaxweynayaashii soo maray dalalka islaamka xataa hadii ay yihiin kuwii kaligood taliayaasha ahaa ama digteytarada ahaa oo dalalkooda ku qabsaday af-ganbiga milateri caado umay ahaan jirin inay masaajidada magacyadooda u bixiyaan balse waxay magac ka raadin jireen oo ay magacyadooda ku qori jireen sida iskuulada,cusbitaalada,wadooyinka,xeryaha ciidamada, madaarada iyo goobaha kale ee adeegyada arimaha bulshada lagu qabto iyo iyaga oo samayn jiray taalooyin muqaal ahaan u eeg hogaamiyaha dalkaasi xukuma oo uu magaciisana ku xardhi jirey sidii madaxweynihii hore ee dalka ciraaq Sadaam Xuseen oo kale.
Saaxiibayaal xilka madaxweynenimo ee jamhuuriyadii somaliya la isku odhan jireyna waxaa xukunka u kala danbeeyey, Adan Cabdule Cusmaan(Adan Cade), oo xilka hayay 1960-kii ilaa 1967-kii, C/rashiid ALI Sharma arke oo xilka hayay 1967-kii ilaa 1969-kii iyada oo weliba uu C/rashiid uu ahaa ninkii dhagax dhigay Masaajid jaamaca weyn ee Hargeysa 1969-kii.
dawladii milateriga ahayd ee uu hogaamin jirey Maxamed Siyaad Barre waxay xukunka haysay 1969-kii ilaa 1991-kii, Somaliland mudadii ay jirtayna waxaa xilka u kala danbeeyey C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) oo xilka hayey 1991-kii ilaa 1993-kii, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xilka hayey 1993-kii ilaa 2002-dii, iyo Daahir Rayaale Kaahin oo xilka hayey 2002-dii ilaa 2010-kii hadaba hadii la isku daro lixdaasi madaxweyne ee soo maray somaliya iyo Somaliland oo dib loo raaco taariikhda hogaamiyaayaashii soo maray dunida islaamka laguma arag hogaamiye masaajid lagu dhisay hantida umada magaciisa loo bixiyo isaguna aqbala waxaana qodobka kaliya ee ay ka sinaayeen hogaamiyaashii soo maray dunida islaamku tusaale ahaan maxamed siyaad barre wuxuu ahaa nin magac jecel oo goob kasta oo ay dadweynuhu ku kulaana jeclaan jirey in magaciisa loo bixiyo.
hadaba akhritow waxaad dib u xusuusataa horaantii sanadihii todobaatanaadkii markii uu maxamed siyaad barre uu magaalada muqdisho ka dhisay masaajidka weyn ee uu ku dhisay hantidii umada soomaaliyeed, masaajidkaasi oo ahaa masaajidka ugu weynaa muqdisho ama masaajidada geeska afrika ku yaalaba wuxuu ka xishooday in uu masaajidkaasi magaciisa u bixiyo waxaanu u bixiyey magaca ah masaajidka is bahaysiga islaamka waxaana suurto gal ah in kaadariyiitii ama guul wadayaashii ku xeernaa ay kula taliyeen in masaajidka magaciisa loo bixiyo basle uu ka diiday.
Maah Maah Soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda Hasha Kud Waa Dilay
Waana Loo Weheshaa.Siilaanyo magac jaceylkii Siyaad Barre kama maqna mashruucan deegaameyntuna waa u dheer yahay wax qarsoon may ahayn mooshinkii Wershadii Sibidhka ee fashilmay iyo doorashadii golaha deegaanka ee berbera oo natiijadii ka soo baxdayna ay galaafatay badhasaabkii hore ee gobolka saaxil shakina kuma jiro in dadka soomaalida ah lagu sheego inay yihiin dad muslim ah 100% meesha ay ugu nugul yihiin ee laga soo geli karaana ay tahay xaga diinta iyo masaajidada tusaale ahaan marka waxyaabahaasi aynu ka soo waranay oo dhan aad dib u eegto waxaa ku soo baxaaya maah maahdii soomaaliyeed ee ahayd kor waayeel waa wada indho oo waxaad fahmaysaa in shaadh qudha marba dhinac loo dhigaayo oo uu shaadhkaasi mar uu wershadii noqonaayo marna uu masaajid noqonaayo.
Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.
DAB DHAXMOODAY!!!
Doc kastoo la eego
Nolosha dunidu waa dabkee
Haddu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg kuma haboonee!
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeedada ideeqsii.
Ruux haddii la dootoo
Darajada la saariyo
Xilkii daryeeli waayo
Dab dhaxmooday weeyee
Waa su aal da weynoo
Madaxa daalinaysee!
Wixii lagu diirinaayo
Dad weynahaa la weydiin
DUR DUR OOMAY !!!
Durdurkaa laga cabbaa
Biyihiis lagu dabaashaa
Hadduu harraad dareemo
Darkee laga waraabshaa?
Waa tilmaan leh daahoo
Deg deg kuma haboonee
Adoo degan ufiirsoo
Ujeedada ideeqsii!
Ruuxa duunyo haystee
Dahabkana barkanayee
Wixiisii deeqi waayaa
Durdur oomay weeyee
Waa su aal da weynoo
Madaxa daalinaysee!
Darkii laga waraabin
Dadweynahaa la weydiin.
DAWO BUKOOTAY !!!
Qofkii cudur dilaayo
Dawadaa bogsiisee
Haday dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?
Waa tilmaan leh daahoo
Degdeg kuma haboonee
Adoo degan ufiirsoo
Ujeedada ideeqsii.
Dalaalimada diintiyo
Distoorka iyo xeerka
Haddii dabool lasaaro
Dawo bukootay weeyee
Waa su aal da weynoo
Madaxa daalinaysee
Wixii lagu dabiibi
Dadweynahaa la weydiin
DUFAN BASAASAY !!!Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane
Hadduu dufan basaaso
Maxaa lagu duxdii ka qaaday
Waa tilmaan leh daahoo
Deg deg kuma haboonee
Adoo deggan ufiirsoo
ujeeddada i deeqsii
Isku soo wada duuboo
La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.
Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland
Leave a comment |
|
HORAA LOO YIDHI INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYANA DEEGAAMEYNTA BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA. QORMADII 1-AAD.
Qalinka:C/risaaq Suudi NuurHoraa Loo Yidhi Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyana Deegaameynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda. Qormadii 1-aad.