![]() Xafladii Furitaanka Ururka Dhalinyarada Ee Dangarad Youth Development Organization (Dayo) Oo Kulmisay Siyaasiyiin Miisaan leh
Hargeisa(xogreebnews.com-Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo loogu daah furayay ururka dhalinyarada ka hortaga aafooyinka tahriibta Hargeisa(xogreebnews.com-Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo loogu daah furayay ururka dhalinyarada ka hortaga aafooyinka tahriibta ayaa ka qabsoontay Hotel Summer time ee Magaalada Hargiesa munaasibadaas oo ay ka hadleen masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ugu horayntii waxa xaflada furay wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada mudane maxamud barre garaad oo ku dheeraaday ahmiyada dhalinyaradu ay dalka u leedahay kana digay aafooyinka tahriibta sidoo kale wasiirku waxa uu xusay in dhalinyarada reer Somaliland ay haysato shaqalaan baahsan waxaanu hoosta ka xariiqay in xukumadu diyaar utahay wixi karaankeeda ah in ay wax ka qaban doonto shaqala,antasi waxanu wasiirku intaasi ku daray inay soo gabogaboobi doonto barnaamijkii shaqo doon oo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo uu isagu madax uyahay magacaabay madaxwaynuhu una xilsaarnaa ka talo bixinta arintaa iyada ah waxanu sheegay inay xeer kazoo saareen uu dhawaan madaxwaynaha hor dhigi doono sidoo kale wuxu aad ula dardaarmay dhiiri galiyayna dhalinyaradii ururka ku bohowday ee Dayo waxa kale oo halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka mudane xasan daahir dhimbiil oo madasha ka sheegay in qofka dalkiisa jooga iyo qofka tahriibay aanay isku qiimo ahayn xusayna inuu isagu ka mid ahaa qurbo jooga Somaliland waxana hadaladiisii ka mid ahaa”Anigu yurub
baan ka imid mataalo xuriyada halkan taalaa yurub hawo iyo caafimaad baynu haysanaa wadankana waxa ku jira khayraad dihin marka uu inoo soo baxana waynu ku dhargi doonaa” waxanu xusay in dhalinyaradu marka ay fikir ku midowdo ay faa’iido isagoo intaa sii raaciyay in aanay asxaabta siyaasadu dhalinyarada jahwareerin beena usheegin . sidoo kale waxa halkaa ka hadlay wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta mudane A/laahi Mohumed Dahir Akuse oo ku dheeraaday hooyooyinka ubadkoodu ka tahriibaan diifta iyo darxumada ay ku sugan yihiin inta ay ubadkoodu ku jiraan jidka dhibta badan ee tahriibta isagoo xusay in tahriibayaasha intooda badani ay haligmaan balse nasiib daro inta yare ee ka badbaada uun ay eegtaan kumanaan kale oo wadanka ku sugan waxa uu ku faanay wasiirku inay xukumada madaxwayne silanyo gadhwadeenka ka yahay ay wax badan ka qabatay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ragaadisay intaa ka dib waxa xaflada soo xidhay gudomiyaha ururka Dayo Jamal Ahmed Ali oo ku dheeraaday waxyaabihii loo aasaasay ururka waxana kamid ah 1-wacyi galinta tahriibta 2-ilaalinta deegaanka iyo khayradka dalka 3-dhiiri galinta waxbarashada dadban iyo mid toos ahba 4-ilaalinta nadaafada iyo fayodhawrka 5-ilaalinta xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka laga tirade badan yahay Ururkan ayaa wax badan ka qaban doona bahiyaha dhalinta ay cammal la”aantu ragadiisay.waxaanu noqon doona mid tusaale u ah dhalinta badda ku dhamaatay. Leave a comment |
|
Xafladii Furitaanka Ururka Dhalinyarada Ee Dangarad Youth Development Organization (Dayo) Oo Kulmisay Siyaasiyiin Miisaan leh
Hargeisa(xogreebnews.com-Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo loogu daah furayay ururka dhalinyarada ka hortaga aafooyinka tahriibta