![]() Badhan oo laga xulayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland
Wasiiradii Somaliland ee dhawaan gaadhay maxay Ololaha cusub uga hortagi waayeen?
Wasiiradii Somaliland ee dhawaan gaadhay maxay Ololaha cusub uga hortagi waayeen?
Badhan( xogreebnews.com) Suldaan Siciid C/salaam oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Barriga Sanaag ayaa ku baaqay shir lagu xulayo Xildhibaanada Deegaankaasi Somaliland ku yaala uga qayb galaya Baarlamaanka Puntland.
Sida lagu baahiyay mareegta Galgalanews waxa magaaladda Badhan ee Somaliland ka socda dhaqdhaqaaq uu Suldaan Siciid ugu baaqay Duubabka Sanaag Barri Shir lagu xulayo xubnaha cusub ee ay u xuli doonaan Baaralamaanka cusub ee loo samaynayo Puntland kaasoo ku imanaya qaab Beeleed kadib markii ay Puntland ku fashilantay Doorashooyinkii Dawladaha Hoose ee kuwii Baarlamaanka ee u qorshaysnaa.
Sida ay Mareegtu sheegtay Madaxweynaha Puntland oo danaynaya in ay Duubabku soo celiyaan Qaar ka mid ah Xildhibaanadii hore ayaa ka wada Gobolka Olole uu ku bixinayo dhaqaale badan, waxaana taas ka horjeeda Mucaaradka Xukuumadda Farroole, kuwaas oo dhinacooda wata Xildhibaano cusub oo u badan Qurbajoog.
Madaxweyne Farroole ayaa dhaqaale laxaadleh ku bixinaya Ololihiisa, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland iyo Wasiiradii ay dhawaan magacawday eek a hor tagay Ololihii hore ee Doorasahada ee fashilmay ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin dhaqdhaqaaqa Puntland ka oo cusboonaysiisay.
Siyaasi ka mid ah Mucaaradka Farroole ayaa dhawaan ku Hambalyeeyay Somaliland Ololihii hore ee ay Doorashadii kaga hortagtay, waxaanu sheegay in aan Gobolada Sool iyo Sanaag Barri ka iman Karin Xildhibaano ka mid noqda Baarlamaanka Puntland, arrintaas oo fursad u ahayd Somaliland wali kamay hadal.
waaheen.com
Leave a comment |
|
Badhan oo laga xulayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland
Wasiiradii Somaliland ee dhawaan gaadhay maxay Ololaha cusub uga hortagi waayeen?