![]() SOMALILAND: ADEEGA ZAAD SERVICE EE SHIRKADA TELESOM OO CAAWA SAACADO BADAN HAKAD GALAY
Hargeysa (Xogreebnews.com – Adeega lacagta la iskugu xawilo Telefoonka
gacanta ZAAD Service ee shirkadda TELESOM ayaa Caawa oo salaaso ah
Hargeysa (Xogreebnews.com – Adeega lacagta la iskugu xawilo Telefoonka
gacanta ZAAD Service ee shirkadda TELESOM ayaa Caawa oo salaaso ah muddo shan saacadood ka badan cilad farsamo ku timid, taasina waxay saamayn taban ku yeelatay dhaqdhaqaaqii ganacsiga Iyo dukaansigii bulshadda ee suuqyada dalka oo dhan. Waxa kale oo cilada adeega ZAAD ku timid ay waxyeeshay adeega E-Voucher ee ku shubashada kaadhadhka hadalka shirkadda TELESOM oo aan haba yaraatee shaqaynayn muddo saacado ah. Adeegsiga nidaamkan Zaad Service oo ah mid Electronic ah ayaa waxa isticmaalaha tiro badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland, haddana waxa jira warwar weyn oo ay bulshadu ka muujinayso kalsoonida lagu qabo iyo amaankiisa, maadaama oo uu yahay nidaam electronic ah, isla markaana aanay jirin ama aanu lahayn wax tixraac ah oo lasgula xisaabtami karo shirkadda adeegan iska leh, haddii uu khalkhal ku yimaado nidaamkan, kaas oo cadayn iyo muunin u noqon kara dadka ay lacagtu ugu jirto, sida Rasiidh iyo wax la mid ah. Dadka warwarkan qaba ayaa ku sababaynaya wakhtiyo adeegan Electronic-ga ah uu ku yimi hakad sababay in ay dadku waxba ku iibsan kari waayeen lacagtoodii Mobiladda ugu jirtay . hakadkaasi oo tiraba dhawr jeer ku yimi adeegan, ayaa sababay in hoos u dhac weyni ku yimaado kalsoonidii iyo aaminaadii ay bulshadu ku qabtay. Kumanaan qof iyo meheradood oo ku nool gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan kuwaasi oo uu muddo xanibay adeeggan istaagay. Ma aha markii u horreysay ee adeega ZAAD ay soo waajahdo cilado ku timado, hase yeeshee saamayn ku yeeshay macaamiisha shirkada oo u badan dad danhyar ah. Leave a comment |
|
SOMALILAND: ADEEGA ZAAD SERVICE EE SHIRKADA TELESOM OO CAAWA SAACADO BADAN HAKAD GALAY
Hargeysa (Xogreebnews.com – Adeega lacagta la iskugu xawilo Telefoonka gacanta ZAAD Service ee shirkadda TELESOM ayaa Caawa oo salaaso ah