![]() Widh widha ka Socota Koonfurta hargaysa iyo Baroorta iyo Maydka Talaagada ku baryaaya iyo kuwa Jeelasha raaba-raabada loogu guraayo Habeen iyo Dharaar waa Kaaf iyo Kala Dheeri,
Widh widha ka Socota Koonfurta hargaysa iyo Baroorta iyo Maydka Talaagada ku baryaaya iyo kuwa Jeelasha raaba-raabada loogu guraayo Habeen iyo Dharaar waa Kaaf iyo Kala Dheeri, Dawlada Maanta Ka talisa Jsland oo ku jirta 7dii Bilood ee ugu horeeyey waxay Shaqadeedu ku bilaabantay Maydka tirsan Beesha Subeer awal oo yaala iyo koox Sida Daabaxa liis loogu Soo qoraayo oo Shaqada Ciidamada Madaxtooyada iyo Sirdoonka looga guraayo, waxay Gaadhay Xaqiiq waxa ah dhimashooyinka ku yimi Beesha Subeer awal ee ay ku Xeeran tahay Tuhunka iyo Beegsiga ah inay labadaas Xalay lagu toogtay suuqa Hargaysa Dhexdeeda ku noqonayaan Dilkii Sideed ee beeshan ku soo hoyda, kuwaasoo kala ahaa, 2dan hadda talaagada ku jira, labadii agabar, labadii madaxtooyada ka tirsanaa ee Gaadhiga dhexdiisa ku dhintay, Sarkaalkii Toorida lagu dilay, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Xerada yufle ku raalay ee galabtii Faylay ka dibna laba Xabbo Dhabarka lagaga Dhuftay Cid dishay aan la sheegin,
Waxaa dheer Saraakiil Ciidamo ka tirsanaa Sirdoonka Qaranka oo mudaada 7 Bilood jeelasha loogu guraayey Qaab reeraysan, ugu dambeeyeen 15 ka hadda jeelka ku jira. Marka aad arrimahan eegto Dhacdooyinkan iska soo daba dhacaaya, ee dhamaantood ay dareenka dadka iyo Dawladnimada ba waxyeelada iyo Burburka ku yihiin, Waxaa la Odhan karaa maaha Xaaladahani qaar Si Caadiya u dhacaaya ee waa Xaalad Abuur iyo Kicin laga raadinaayo reerkan ay waxyaabahani ku Dhacayaan. Iyadoo ay Dhacdooyinkani Sidaa is daba-jooga ah ugu dhacaayaan Beeshan, Kaaga sii darane waxaa dhaqan ka noqday Masuuliyiin Dawlada ka tirsan oo inay ka soo baxayaan Hadalo iyo Ficilooyin Damqaaya Dulqaadkii ay dadkani lahaan lahaayeen, waxaana laga Xusi karaa, Hadalkii ka soo yeedhay Badhasaab ku xigeenka Maroodi jeex ee ahaa lama ooyee Ordoo Qoryo.qaata oo wax iska Celiya kaasoo weli haya Masuuliyadii uu hayey wax ganaaxa ama ka xumaansho Xukuumada ka yimi aanu jirin, bal ee uu u eeg yahay inuu sii dalacay, Waxaa ka Mid ah Bulshada Maydkoodii Talaagada ku jiro ee 24 Saacadood dabadeed Tacsiyi uga timi Madaxweynihii qaran ee meesha 500 mitir u jirta duhur labada wiil lagu toogtay inta afka lasoo duubtay, in halkii wax kale laga eegayey Suldaankiisii yidhi Waar yaa na laayey Isna jeelka loo Taxaabo. Waxaa iyana Wax la Aan la dhaafi karin oo in la Tilmaamo ah Qaranka ay intani tahay intii Magaalo madaxda ka dhacaysay, Ee Goboladii hareeruhu hulaaqayaan Dawladona laga binaynayo, ee dhanka kale Xisbigii Wadanka Ku guulaystay ay Isugu hambalyeynayaa Buugaag baanu Cadaalada ka qoray, oo ay koonfurta Hargaysana Idaa widh widh iyo Foori geeraar mashraxyo loogu Samaynaayo, Nin baa laga hayaa waa ma raydabta ayaan raydabtii ahayn, waar-ma qarankaan Qarankii ahayn marka meel Xanuunayso Xanuunku wada Saaqi jiray ee gurmadka iyo Sidii Xal loogu heli lahaa u tafo-xaydan jiray, Ma anagaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa, maxay kula tahay adiga. Xigaasho Fucos on Berbera page See less
Leave a comment |
|
Widh widha ka Socota Koonfurta hargaysa iyo Baroorta iyo Maydka Talaagada ku baryaaya iyo kuwa Jeelasha raaba-raabada loogu guraayo Habeen iyo Dharaar waa Kaaf iyo Kala Dheeri,
Widh widha ka Socota Koonfurta hargaysa iyo Baroorta iyo Maydka Talaagada ku baryaaya iyo kuwa Jeelasha raaba-raabada loogu guraayo Habeen iyo Dharaar waa Kaaf iyo Kala Dheeri,