![]() Maraykanka oo Walaac ka Muujiyay Ganacsade Axmed Nuur Cali
Maraykanka oo Walaac ka Muujiyay Ganacsade Axmed Nuur Cali
Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale, oo ah Mulkiilaha ugu weyn ee Shirkada Isgaadhsiinta Hormuud Somaliya, isla markaana faracyo Isgaadhsiineed ku leh Somaliland iyo Puntland, si gaar ahna u maamula Lacagaha Electricnica ah ee Shirkadihiisu bixiyaan dhamaan gobolada Somalidu degto, ayaa xoggo iyo Warbixino caalami ah oo soo ifbaxayaa sheegayaan inay Galeen raadad iyo tuhuno hore looga qabay, kuwasoo sheegayay in Mulkiile Axmed Nuur Jimcaale soo baxayso maalgelinta Kooxaha xag-jirka iyo dhaqdhaqaaqyo Maaliyaddeed oo sharci daro ah.
Ganacsadahan ayaa Xayiraado laga saaray Shirkada iyo dhaqdhaqaaqyo lacageed, laga helayo Waaxda Diffaaca Maraykanka, ayaa sheegay in sanaadka 2025-ka la xayiray ganacsiyo iyo dhaqdhaqaqyo lacageed, oo u nusdanbeed u yahay Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.
Ganacsade Axmed Jimcaale, ayaa ganacsiyo ay kamid yihiin Lacagaha Electricnica ah ku leh, Somaliland iyo deegaano kale oo Somaliya kamid ah, waxana laga qabaa Werwer xoogan.
Shirkadaaha la xayiray, ayaa xarumahooda ugu waaweyn ku yaaleen dalka Kenya.
Dhinaca kale, ganacsade Axmed Nuur Jimcaale, oo saamiley ka dhigay kala badh ganacsigiisa isgaadhsiineed, ayaa haddana waxa lacago dhigtaa adeegyada shirkadihiisa Malaayin qof oo kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan deegaano kala duwan. dadka ku takhasusay dhaqaalaha, ayaa Sixir-bararka hala keeyay Somalida, waxay la xidhiidhyaan inuu sababay lacagaha lagu qaato mobile ka ee u mamaulo Axmed Nuur Jimcaale.
Si kastaba ha ahaatee,
Ganacsatada koon furta Somaliya ayaa la sheega in lacago farabadan ku maalgeliyaan kooxaha Islaamiyiinta iyo xubno kamid ah Wadaada Mayaalka adag ee Koonfurta Somaliya. kuwasoo caalamka ugu jiraa Liiska Argagaxisada.
Geesta kalena,
Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo horey mareykanku ay uga xidheen bankigii Al Barakaat balse markii dambe dhisay shirkada Hormuud waxaa ay QM sheegtay inay jiraan tuhuno waaweyn oo la xidhiidha maalgelinta xag jirka.
Mareykanka ayaa Maraykanku kusoo roggay Shirkaddiihi Xawaalada ee Al-Barakaat oo uu maamule ka ahaa Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa 15-kii sano oo ay saarnayd Xayiraad dhanka socdaalka ah, laga qaaday 2011-kii waxaa lagu tilmaamaa ninka ugu saamiga badan ee ku lahaa Shirkadii Xawaalada Barakaat oo Malaayin Dolar lacago ah, lagaga xayiray dadkii hantida dhigtay xawaaladaas.
Dadka Soomaaliyeed ayaa u arkaayay xayiraada laga qaaday Mr Axmed Nuur Jimcaale guul, maadaama si gardaro ah xayiraad loo saaray, waxaana uu doorar muuqda horay uga qaatay taageerida dadka Soomaaliyeed.
Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale ayaa xayiraadan waxay ku yeelatay saameyn shaqsi ah, waxaana uu u mahad celiyay cid alaala cidii gacan ka geysatay xayiraadii laga qaaday, xiligaas. Leave a comment |
|
Maraykanka oo Walaac ka Muujiyay Ganacsade Axmed Nuur Cali
Maraykanka oo Walaac ka Muujiyay Ganacsade Axmed Nuur Cali