Cabudhinta Saxaafadda! Bilayska oo maxkamaduhu go'aanka leeyihiin ayaa ku shaqo leh wax ka qabashada sharci jabinta muwaadin sameeyo, sida haddii uu muwaadin muwaadin kale ku gafo ama dawladi muwaadin ku gafto ama muwaadin ku gafo qaranka .
Bilayska oo maxkamaduhu go'aanka leeyihiin ayaa ku shaqo leh wax ka qabashada sharci jabinta muwaadin sameeyo, sida haddii uu muwaadin muwaadin kale ku gafo ama dawladi muwaadin ku gafto ama muwaadin ku gafo qaranka . Bal dib u akhri; miyaan ku daray muwaadin ku gafay xukuumad oo iyadu dhibane noqonayso? Maxaan ugu dari waayay?
Jawaab: Xukuumad dhibane noqan karta oo qof saxafi ah eryan karta ama qof kaleba ma aha wax caadi ah dawladaha aynu nidaamkooda canjilno. Saxafi ama qof kale nin madax ahi kama soo caban karo haddii aanu isaga shakhsi ahaan waxba u dhimin, taas oo uu iska dhaafi karo, haddii uu doonana ku ashkatayn karo si shakhsi ah, isaga oo aan isticmaalin awoodda mansabkiisa. Haddii uu xeerka saxaafadda ku gafo, xukuumaddu shaqo kuma laha ee bilayska iyo garsoorka ayaa ku shaqo leh!
Sida kaliya ee dacwad looga gudbin karo qof saxafi ah waa iyada oo lagu eedeeyo jabinta xeerka saxaafadda ama qaran dumis oo loo yaqaan khiyaamada wayn (high treason), mana aha wax caadiya in saxafi lagu soo eedeeyo khiyaamada intaa le'eg. Inta badan qaran dumis iyo khiyaamada wayn ee loo yaqaan "high treason" waxa ay caan ku tahay oo lagu soo oogaa madaxda sare sida wasiir, madaxweyne IWM.
Haddii aad aragto wadan miskiin yar lagu eedaynayo qaran dumis, iyada oo dhinaca kale aanad waligaa maqlayn nin madax sare ah oo qaran dumis lagu eedaynayo, waxa aad ogaataa waddankaasi in aanu ahayn wadan ku dhaqmaya nidaamka axsaabta badan iyo talowadaaga sida ku xardhan dastuurkeena. Waxa caan ku ah dhaqankaas waddamada kali-taliska ah! Saxafiga waxa kaliya ee looga baahan yahay waa in uu xeerka saxaafadda yaqaano, iskana ilaaliyo!
Ugu danbayntii, la iskuma hayo in madaxda xukuumad kasta oo timaaddaa ay xanuun ku hayso waxa ay qorayaan saxaafaddu, laakiin dan baa la mooday in karbaashkaasi ku socdo si aanay dariiqa uga lumin, sida xanuunka foosha hooyada ee la ogyahay dhibkiisa aan waxba la isaga waydiin ayaa la rabaa in xukuumadduna ugu adkaysato xanuunkaas, maxaa yeelay dantaa ku jirta! Maxkamad kasta oo xor ah haddii kiiskooda loo gudbiyana, ooday ka qaadaysaa haddii dadka garsoorka joogaa ay yihiin dad fahansan sida loogu baahan yahay shaabuuga saxaafadda!.
Qalinkii Aqoonyahan Prof. Abdi Ali Jaamac.