"Habar-awal Uma Quudho Maxamed Kaahin, Wixii ay u Quudheen Habar-jeclo". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Isla yaab isla diid qof ku inuu Markuu hadlayo taariikhda
bakhtanka kaga tunto waa Ayaan-daro habarawal habarjeclo inay madaxweyne noqoto waxay u sadqeeyeen Xisbigii ay lahaayeen ee Udub, iyagoo qiimaynayey Taariikhdii halganka ee Axmed Siilaayo lahaa awgeed, Udub haddii ay ahaan lahaayeen habarawal kulmiyena ma jireen, Siilaanyona AHN madaxweyne ma noqdeen, iyadoo Xisbigaa u gawracay arrintaasi waxay ku qaadatay 15 sanno oo ay 8Sannona la dhaceen, 7 Sannona ay kursiga ku hayeen.
Waxa xigay inay habarjeclo & Habar-awal wada doorteen Muuse biixi, taageerada xoogeeda ayey lahaayeen, 3 Sanno markuu kursiga fadhiyey waxaa xoog u bilaabantay Mucaaridada Hjeclo ee Muuse biixi ugu dambayn 100.xubnood oo golaha dhexe iyo dhamaan awoodii habarjeclo iyo taageeradoodiiba way la dareereen Waxay Si cad oo aan muran ku jirin ay Shir ay qabsadeen ka soo saareen in Xisbiga kaah iyo wadani loo soo wareego waanay kaga dhabeeyeen, may kala reebin Muuse biixi iyo Xisbigii kulmiye si.cad bay uga tashadeen kuna talogaleen inay Xisbiga ridaan.
Kolkay Sidaa tahay Maxed kaahin waa nin Sharaf iyo Karaamo leh Somaliland ku leh habar awal ku leh, waa nin aan ku qiimaysnayn habarjeclada deertay, waa nin sidiisa qiimo.u leh, waa nin Aanay Marnaba habarawal u quudhaynin, wixii ay habarjeclo Muuse biixi iyo Habarawal u quudheen ee ay Salaadiintoodu isla soo taageen golaha.oo aanay ka Suuroobin.
Habarjeclo haddii ay Maxed kaahin qiimo u hayaan Ama ay wax la.doonayaan, halkii iyo Qaabkii liitay kamay yeeleen, wuxuun bay u reebi lahaayeen, habarawalna kama suurowdo Sidaad ka yeesheen, inay ka yeelaan, waa garanaya Maxed kaahin wuxuu galo iyo wuxuu guddoba, Waxase xaqiiq ah wixii ay Habarjeclo kulmiye Madaxweynaha kaga noqotay weliba khaasatan Maxed Abokor.inay ahayd taageeradii ay xisbiga Siinayeen awgeed, Shalayna Sababta Muuse loogu Cumaamaday khaasatan Sacad Muuse waxay ahayd taageeradii Xisbiga, Maantana Sababta ay habarjeclona wax ku waayayaan waa kuwii ku dareeray, habar awalna waxay Xisbiga ku helaysaa waa taageerada ay siiyeen welina la garab-taagan yihiin.
Qabiilooyin badan baa xisbiga inagula jiray oo Xitaa hagaanka Xisbiga Soo gaadhin, lagama fiicnayne Waxay Sababtu tahay Taageerada deegaankooda ka imanaysay ayaa ka yarayd ta Deegaanada hogaanka noqday ka imanaysay, maantana intay taageeradii aad la dareerteen imanayso, kuraasta raggaasi fadhiyi jiray ayaa leedihiin ee fadhiista, Maxed kaahin baa yimi Anaga kulmiye wuu nalaga weyn yahaye, kala hadha xumaanta iyo buuqa aad ku abuuraysaan, Haddii aanay Arrintiinu ahayn inaad.sii wadaan ku talogalkiinii aad hore ugu dhawaaqdeen ee ahaa inaad Xisbiga baabi-isaan. Allaa mahad leh.
Waa Bilahi Tawfiiq
Kayd Cabdilahi Xandule.
"Habar-awal Uma Quudho Maxamed Kaahin, Wixii ay u Quudheen Habar-jeclo". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Habar-awal Uma Quudho Maxamed Kaahin, Wixii ay u Quudheen Habar-jeclo". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.