Waxqabadkii Safiirkii Somaliland ee Jabuuti Sameeyey Mudadii u Xilka Hayay…

0
Friday June 27, 2025 - 00:17:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadkii Safiirkii Somaliland ee Jabuuti Sameeyey Mudadii u Xilka Hayay…

    Kartida, daacadnimada iyo Firfircoonida shaqsiyadeed ee masuul qaran uga wakiil ah, qadiyada u baahan in laga dhaadhiciyo dal aan ku aqoonsanay iyo in lagu yeesho dalalka aduunka Saaxibo ku dhego-nugul, waa mid dhibkeeda leh, hadana waxa dayrarkaas d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kartida, daacadnimada iyo Firfircoonida shaqsiyadeed ee masuul qaran uga wakiil ah, qadiyada u baahan in laga dhaadhiciyo dal aan ku aqoonsanay iyo in lagu yeesho dalalka aduunka Saaxibo ku dhego-nugul, waa mid dhibkeeda leh, hadana waxa dayrarkaas dumiyay oo Somaliland u sameeyey Saaxibo, Masuuliyiin qaranku u xushay inay Iib-geeyan dedaalada qarankani ku jiro inuu helo aqoonsi.

Waxaynu daawadayaal halkan kusoo gudbin doonaa dedaaladii iyo guulihii diblimaasiyadeed, guulihii waxqabaad ee Safiirka Somaliland ee jabuuti sameeyey 8-sanaadood ee u gadh-wadeenka ka ahaa safaaradda Somaliland ee Jabuuti.

Kartida, daacadnimada iyo Firfircoonida shaqsiyadeed ee masuul qaran uga wakiil ah, qadiyada u baahan in laga dhaadhiciyo dal aan ku aqoonsanay iyo in lagu yeesho dalalka aduunka Saaxibo ku dhego-nugul, waa mid dhibkeeda leh, hadana waxa dayrarkaas dumiyay oo Somaliland u sameeyey Saaxibo, Masuuliyiin qaranku u xushay inay Iib-geeyan dedaalada qarankani ku jiro inuu helo aqoonsi.

1: Fudaydintii arrimaha Visa-saha iyo aqoonsiga Basboorka Somaliland oo loogu safro Dalka Jabuuti.

2: Dayac-tiirkii dhismaha safaaradda iyo qalabayntii ugu weynayd ee lagu sameeyey

3: Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxay kaalin weyn oo Diblumaasiyadeed ka qaadatay Meeqaamkii sare ee dhowaan lagu soo dhoweeyey waftiyada saree e Somaliland ee taga Jabuuti, masuul kastaa wuxuu la kulmaa dhigiisa.

,

4: saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaamilo qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waana waxqabad uu la yimmi Safiirka Somaliland ee Jabuuti.

5: Metelaadii Safaaradda ee Siyaasadda iyo Wadahadaladdii Somaliland iyo Somaliya ee lagu qabtay Jabuuti

6: Waxa kaloo Guulaha Diblumaasiyadeed kamid ah, Tusaale ahaan Gaadhiga uu wato Safiirka Somaliland ee Jabuuti, waxa ku dhejisan, Taarikada Baaburta Safiirada Igad, waana dedaal iyo

horumarka iyo tisqaadka Safaarada Somaliland ee dalka Jabuuti, inuu la yimmi safiir Cabdifatax Siciid Axmed.




8: fudaydiyey,iyo juhdi geliyey isu-socodka labada dal, oo xilliyadii hore ay bulshada Somaliland caqabado kala kulmi jireen, gaar ahaan Gaadiidka iyo qaybaha bulshada iyo weliba ganacsatada labada dal,

9: Wanaajintii xidhiidhka labada dal, oo 8 sanaadood siyaasad ahaan isu dhowa, markaa laga reebo sannaadkii dhowaa, ee Heshiiska Mou-ga.

Hadaba, Waxaynu warbixinteenan qayb kooban oo kamid ah Waxqabadkii mugga lehaa iyo Guulihii diblumaasiyadeed oo ay gaadhay Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, oo 8-dii sannadood ee u dambeeyey oo ay samaysay isbedel gaan-qaadhnimo ah, iyadoo uu kor-u-kacay heerkii Diblumaasiyadeed ee Somaliland ku dhex lahayd dalka Jabuuti, isla markaana Safarada Somaliland la siman tahay Safaaradaha kale ee Wadamada aqoonsiga haysta, ku leeyihiin Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxay kaalin weyn oo Diblumaasiyadeed ka qaadatay Meeqaamkii sare ee dhowaan lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro,iyo Waftigiisi, sidoo kalena waxay doorweyn ka qaadatay u kala dab-qaadista labada dawladood.

Dedaalada iyo tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland uga soo kordhay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ku suntan Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Amb. Cabdifatax Siciid Axmed iyo labada Madaxweyne ee labada Dal

 

Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska iyo firfircoonida Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, waxay Safaarada gaadhsiisay inay la meeqaam noqoto, saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaa qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waana waxqabad uu la yimmi Safiirka Somaliland ee Jabuuti.

Waxa kaloo Guulaha Diblumaasiyadeed kamid ah, Tusaale ahaan Gaadhiga uu wato Safiirka Somaliland ee Jabuuti, waxa ku dhejisan, Taarikada Baaburta Safiirada Igad, waana dedaal ay ku majiirtaan dadka sida dhow ula socda horumarka iyo tisqaadka Safaarada Somaliland ee dalka Jabuuti, inuu la yimmi safiir Cabdifatax Siciid Axmed.

Sidoo kale Safiir Cabdifatax waxa uu fudaydiyey, isla markaana uu dedaal iyo juhdi geliyey isu-socodka labada dal, oo xilliyadii hore ay bulshada Somaliland caqabado kala kulmi jireen, gaar ahaan Gaadiidka iyo qaybaha bulshada iyo weliba ganacsatada labada dal, waxanay talaabadaasi noqotay mid si weyn loogu majiirtay Safiirka oo ka shaqeeyey iyo Xukuumadaha labada dal, oo hagaajiyey cilaaqadkoodii.

Geesta kale, waxa uu Safiirku Dayac-tir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyey xafiisyada Safaarada Somaliland ee fadhigeedu yahay Magaalada Jabuuti, iyadoo la kordhiyey tirada xafiisyada iyo shaqaalaha, isla markaana qalab cusub oo ilaa heer diblumaasiyadeed ah, lagu soo kordhiyey Safaarada Somaliland ee dalka Jamhuuriyada Jambuuti.

La soco qaybaha dambe.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured