Geesiyaashii aynu yeelan lahayn ayaa laysoo qadimay oo laysoo hormariyey.Siyaasi Kayd Cabdiahi Xandule.

0
Monday June 16, 2025 - 21:06:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geesiyaashii aynu yeelan lahayn ayaa laysoo qadimay oo laysoo hormariyey.Siyaasi Kayd Cabdiahi Xandule.

    Sanadihii Sagaashamayeedyadii bal aan Afkii dhalinyara wax ugu sheegee ayaa Kooxda kubbada Cagta Ee baraazil waxay Soo bandhigeen Ciyaaro Cajaa'ib ah, waxaa lagu Sifeeyey inay kooxda barasiil Ciyaarayaan Ciyaartii 2000 la Ciyaari lahaa, Waxan ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadihii Sagaashamayeedyadii bal aan Afkii dhalinyara wax ugu sheegee ayaa Kooxda kubbada Cagta Ee baraazil waxay Soo bandhigeen Ciyaaro Cajaa'ib ah, waxaa lagu Sifeeyey inay kooxda barasiil Ciyaarayaan Ciyaartii 2000 la Ciyaari lahaa, Waxan uga Socdaa raggii waqtigii Halgan dagaalamay waxaan is leeyahay Somaliland wixii geesi ay yeelan lahayd ilaa 2030 ka ayaa laynoo soo qadimay, Xaqiiq waxaa ah,

Sanadihii Sagaashamayeedyadii bal aan Afkii dhalinyara wax ugu sheegee ayaa Kooxda kubbada Cagta Ee baraazil waxay Soo bandhigeen Ciyaaro Cajaa'ib ah, waxaa lagu Sifeeyey inay kooxda barasiil Ciyaarayaan Ciyaartii 2000 la Ciyaari lahaa, Waxan uga Socdaa raggii waqtigii Halgan dagaalamay waxaan is leeyahay Somaliland wixii geesi ay yeelan lahayd ilaa 2030 ka ayaa laynoo soo qadimay, Xaqiiq waxaa ah, inaanu nina nin ka dhacayn Hawl-galadii geeri iyo nolol dhexdeeda ahayd ee ay raggaasi u badheedhayeen, Alle waxan ugu Mahad-naqayaa inay raggaasi ahaayeen Qaar bulshadan ka dhashay, waxaan kale oo aan alle ugu mahad-naqayaa, inaanu dhibkaa iyo halgankaas kusoo beegin waqtigan xaadirka ah oo aan ika baqdin qabo mabaydaan hesheen wax Ciidamiya oo dulmigii oo kale inaga kiciya. Halka ay kuwa maanta dhaaminayaan xiliyadan inay difaacaan daaye Soo hor-kacayaan cadawga.

Bal mlicso wixii dhacay ee ay midiba mid ka darnayd, diyaarado ayaa loo af-duubay dhulka markii layskala tegay Samada maraaya ayaa rag af-duubay, oo ay ku xidheen raggii lalaynayey in la sii daayo. Bal eeg ibraahin koodbuur halkuu u badheedhay, bal eeg kuwii buuraha u soo badheedhay, lama xusi karo raggii ragga ahaa iyo xaaladii ay kasoo dabaasheen. Waxyar bay dhalin-yada joogtaa u haystaan raggan kuur-kuursanaya ee hortiina marmaraata ee ka sii nool raggii.

Haddii wax layga waydiinaayo,waxan soo jeedin lahaa inta nool iyo inta naafada ah, iyo intii dhimatay xaasaskoodii iyo ubadkooda Aan noloshooda Meel Saarno Aqoonsigu markaas buu imanayaa, Dhaqankeena wiilka geella raaca marka la lisaayo gealla marka hal la lisoba ee gorofka lagala soo baxo wiilka geela raaca waa magawsiiya, Marka geela la dhameeyana hadhuub u gaara ayaa loo buuxiya, arrintaas xigmad badan baa ku duugan, haddii kale isagaaba geella cawryaaya.

Waxan uga socdaa haddii aynaan wadanka ka xusin dadkii u nafwaayey, u naafoobay, u agoomoobay meel gaadhi mayno iyaga ayey inkaari inagaga dhacaysaa.alle tiisa tahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured