![]() Safarkii Madaxweynaha iyo wasiirka Arrimaha dibeda ee Itoobiya maxaa maanta baajiyey.
Safarkii Madaxweynaha iyo wasiirka Arrimaha dibeda ee Itoobiya maxaa maanta baajiyey.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya baaqashada safarkaas oo la hadal hayey illaa iyo markii uu Madaxweynuhu ka soo noqday Kenya. Warar aan helay ayaa sheegaya in koox wasiiro ah oo madaarka u tagtay inay u dhoofto Itoobiya ay dib uga soo laabteen kadib markii lagu war galiyey warar sheegaya in dhinaca Itoobiya laga soo baajiyey. Warar kale, ayaa sheegaya in Sarkaal sare oo ka socda Laanta Socdaalku u safray Itoobiya kaasoo qaabilsan sahaminta xaaladaha la xidhiidha safarada Madaxweynaha, kaasoo u tagay qiimaynta dhaqdhaqaaqa safarkaasi. Marka laga yimaado baaqashada weftiga Somaliland ee la filayay inay maanta dhoofaan ayaa la hadal hayaa inay dalal kale oo Afrika ah u bedeli doonaan safarkooda. Halka, warar kale ay sheegayaan in dhinaca Itoobiya aanay wali weftiga Somaliland wax ogolaansho ah ka haysan, taasoo lagu sababaynayo Itoobiya inaanay wali go'aansan qaabilaada xukuumadda Madaxweyne Cirro sababo aan illaa hada la sheegin. Leave a comment |
|
Safarkii Madaxweynaha iyo wasiirka Arrimaha dibeda ee Itoobiya maxaa maanta baajiyey.
Safarkii Madaxweynaha iyo wasiirka Arrimaha dibeda ee Itoobiya maxaa maanta baajiyey.