Somaliland: Jaamac Gaabuush Maxaa loo Magacaabay?

0
Thursday June 12, 2025 - 00:08:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Jaamac Gaabuush Maxaa loo Magacaabay?

    Somaliland: Jaamac Gaabuush Maxaa loo Magacaabay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Jaamac Gaabuush Maxaa loo Magacaabay?
Jaamac Cabdilaahi Cigaal (Jaamac Gaabuush), oo ah aqooyahan muddooyinkii u dambeeyey si weyn looga hadal hayey saxaadda Siyaasadda Somaliland, ayaa loo magacaabay la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland.
Warar xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyey in xilkan yahay la taliye sare oo Wasaaradda Khaarajiga oo uu ka qaban doono, waxaana caawa la soo dusiyey qoraal aan rasmi ahayn oo baraha bulshada lagu baahiyey oo ku saabsan xilkiisan cusub.
Jamaac Gaabuush oo ah nin khibrad iyo galangal u leh arrimaha xidhiidhka dibedda iyo diblamaasiyadda kana soo shaqeeyey Hay'addaha Caalamiga ah, ayaa waxa uu ka soo muuqday safarro uu Madaxweyne Cirro ku tegay Dalal debdda ah, isaga si weyn uga dhex muuqday Safarkii Madaxweyne Cirro ee Kenya, waxaana su'aallo badan ka dhexeeyeen doorka iyo masuuliyadda uu xukuumadda Madaxweyne Cirro ka hayo, taas oo imika u muuqata in culayskii ka dhashay uu keenay loo magacaabo xil u hoos u dhici karta su'aalihii ku saabsanaa meeqaamka uu ku fadhiisto shirarka Weftiga Madaxweynaha.
Jaamac Gaabuush ayey dadka aqoonta u leh ku tilmaamaan inuu yahay nin xidhiidho caalami ah leh, isla markaana galan gal u leh dawladdo kala duwan iyo Hay'addo iyo shirkaddo caalami ah.
Xilkan cusub ayaa la rumaysan yahay inuu siin doono dhiirnaan uu kaga soo muuqdo masrxayada siyaasadda, ee uu markii hore inta badan daaha dabadiisa kaga jiray.
Xigasho Saleban Saxansaxo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured