![]() Waa kuma Gudomiyaha Cusub ee Ururka Dallada Dan iyo Duco ee Qurba Jooga.
Waa kuma Gudomiyaha Cusub ee Ururka Dallada Dan iyo Duco ee Qurba Jooga.
Shucayb Cumar waxa uu wax kusoo bartay Magalada waxbarashada caanka ku ah ee Magalada Sheekh dugsigii hoose dhexe, secondarygana dugsiga sare ee caanka ah SOS ee ku yaal isla Magalada Sheekh. Wuxuu shahadada dhaqalaha (Economics) heerka koowad ka qaatay jamacada Admas University Magalada Hargeisa, wuxuu sidoo kale shahadada heerka labaad international business, trade and diplomacy ka qaatay Central Washington University ee dalka Maraykanka. Wuxuu lasoo shaqeeyey haaydadaha qaramada midoobey (United Nations), hayadaha caalamigaha ah iyo Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland oo La taliye ka ahaa mashruucii JPLG tayeynta Dawladaha Hoose ee Dalka. Wuxuu mudo 12 sano ah laso shaqeynayey Haayadaha, sidoo kalena tayeyey shaqalaha Dawladaha Hoose ee Somaliland. Wuxuu side kale la shaqeeyey laba dawlad goboleed oo ka mida 50ka Dawlad Goboleed ee Dalka Maraykanka, sidoo kale waa ictiraaf raadiye oo dooda Somaliland qadiyadeda. Kaso shaqeyey Dekedaha iyo airports Gobolka Washington. Imikana waa la-taliye caawiya, una dooda dadka qoxoontiga ah iyo dadka nugul ee ku nool Gobolka Washington ee Dalka Maraykanka si ay u helan guryo, cunto, shaqoyin iyo nolol fiican. Tabobar siiyey dadka ilaa 1500 gaadhaya shaqooyina u raadiyey (Connected to Employers). Kuna xidhka khayradka Gobolka iyo magaloyinku bixiyaan. U dooda xuquuqal insaanka, la dagalama fakhriga/saboolnimda, cadalad darada, cawinta dadka danyarta ah iyo curyaminta ah, ilaalinta deegaanka, harumarka iyo nabada. Leave a comment |
|
Waa kuma Gudomiyaha Cusub ee Ururka Dallada Dan iyo Duco ee Qurba Jooga.
Waa kuma Gudomiyaha Cusub ee Ururka Dallada Dan iyo Duco ee Qurba Jooga.