![]() Buur-yo-qab aan fahan ka haysan Siyaasadda iyo Meteladaada Xisbiga Kaah, ayaan arkaayay, isagoo weerar shaqsi ah ku qaaday Gudoomiyaha gobolka Togdheer Ramaax, Inadeerkay Suldaan Ayaanle waxa leeyahay, Ha u dhuran dhurwaagii laftu dhuuxay quudhsaday. Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali.
Buur-yo-qab aan fahan ka haysan Siyaasadda iyo Meteladaada Xisbiga Kaah, ayaan arkaayay, isagoo weerar shaqsi ah ku qaaday Gudoomiyaha gobolka Togdheer Ramaax, Inadeerkay Suldaan Ayaanle waxa leeyahay, Ha u dhuran dhurwaagii laftu dhuuxay quudhsaday. Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali.
Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali ayaa jawaab ka bixiyay weedho aradan oo kasoo yeedhay Nin sheegtay inuu yahay Xoghayaha Xisbiga Kaah ee qaarada Yurub, kaasoo weerar iyo aflaagaado ka baxsan hab-dhaqanka suuban iyo sunnaaha Siyaasadda kula kacay Badhasaabka Gobolka Togdheer Ramaax, shaqsigan sheeganayay inuu xisbi kamid yahay, ayaa hadana ku hadlaayay af-beeleed, Haddaba, su,aasha jawaabta u baahan waxay tahay Xisbiga Kaah Ma Xisbi ku hadla aragti qaranbaa, Mise waa Xisbi xaafadeed , ka hadlaya afka Beel keliya.
Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali (Hoggaamiye), sidoo kale, waxa uu jawaab kulul siiyay Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamed Indho-case, waxanu ku tilmaamay shaqsi aan ahayn masuul, kaasoo la ambaday suldaanimadii iyo dhaqankii u cumaamada u sitay. Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali (Hoggaamiye), ayaa qoraal kooban oo dhinacyo kala duwan ah, soo saaray waxa uu ku yidhi sidan:
Waxa wax laala yaabo ah yarka sheeganaayay inuu yahay xoghayaha qaarada Yurub ee Xisbiga Kaah, oo hadalkiisa markaad qiimayso, aad garanayso inuu yahay Buur-yo-qab aan fahan ka haysan Siyaasadda iyo meteladaada Xisbi, ayaan arkaayay, isagoo weerar shaqsi ah ku qaaday Gudoomiyaha gobolka Togdheer Ramaax. Yarka hadlaayay oo lagu tilmaami karo caruur hadashay, isla markaana aan u qalmin inuu xisbi metelaaii ku hadlo, aflagaadada Beeleysan ee u badhasaab Ramaax sida haweenka ugu tirinaayay, maaha mid u cid wax ku yeelayo, balse waa mid luminaysa tuhunkii iyo xigmadii Xisbiga Kaah, oo hadii dadka noocaas ahi metelaad u yihiin noqonaya Ingo-xaafadeed, taasoo Meesha ka saari doontaa inuu hunguri ka hayay hoggaaminta Mustaqbaalka Somaliland.
Sidoo kale, waxa leeyahay Inadeerkay Suldaan Ayaanle, Ha u dhuran dhurwaagii laftu dhuuxay quudhsaday. Waxa loogu maahmaha qofka lagu shaqaysto ee damiirkiisu dhintay 20 Sano ka hor ee maqaarkisa guud joogo uun. Ninkaas isagiiba xaalad deg deg ah ku jira( Emergency Situation) oo u baahan in la daweyo oo la daryeelo. Kabaha iyo mobilada halku fadhiyo bu kaga kaca oo laga dabo qaada waa drug addicted. Suldanimoy Xaal qaado. Damiir dhintay Wuxu ka xishonayo ma jirto.
Gabo-gabadii, Waxaan fahamsiinaya shacabweynaha Jamhuuriyada Somaliland, shaqsiyaadka shaadhka beeleed soo huwaday ee isaggu jira Siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedka kooban ee maalmihii u dambeeyey munaafaqadda iyo weeraarka kala duwan ku yahaa inay yihiin budh-cad hab-beeleed kusoo dhuumanaysaa dagaalkooduna yahay hunguri, ee Bulsho-weynta reer Burco, daantay doonan ha ahaatee, wada ogoshay Badhasaab Ramaax. Badhasaab Ramaax waa masuul runtii lagu yaqaano daacadnimo iyo inuu fuliyo qorshayaasha dawladda, sidaas daraadeed Madaxweye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi waxa gobolka Togdheer u magacaabay shaqsigii ugu mudnaa, una qalmaayay, mana jirto wax xil-gudasho la,aan ah, ee waxa u uku hawlan yahay horumarinta gobolka iyo dawladnimada. Waa Bilaahi Tawfiiq.
Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali (Hoggaamiye Leave a comment |
|
Buur-yo-qab aan fahan ka haysan Siyaasadda iyo Meteladaada Xisbiga Kaah, ayaan arkaayay, isagoo weerar shaqsi ah ku qaaday Gudoomiyaha gobolka Togdheer Ramaax, Inadeerkay Suldaan Ayaanle waxa leeyahay, Ha u dhuran dhurwaagii laftu dhuuxay quudhsaday. Afhayeenka qarada Yuruub ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xasan cali.
Buur-yo-qab aan fahan ka haysan Siyaasadda iyo Meteladaada Xisbiga Kaah, ayaan arkaayay, isagoo weerar shaqsi ah ku qaaday Gudoomiyaha gobolka Togdheer Ramaax, Inadeerkay Suldaan Ayaanle waxa leeyahay, Ha u dhuran dhurwaagii laftu dhuuxay quudhsaday.