![]() Waraysi Weriye Mashqac-geliye iyo Gudoomiye Jeegaan Burburiye.
Habar-yoonis iyaga abiyaashay abaal-baa ku leeyahay. Waanay ku qasban yihiin inay I Codeeyaan, waayo 34-sano kursi ay fuuli waayeenbaa saaray.
Su;aal:Waxa farxad weyn noo ah in aanu maanta kula yeelano wareysi gudoomiye Kaahin aase, waraysigaas oo dhinacyo & darafyo badan taabanaaya. Bal marka hore inta aynaan u guda gelin wareysigeenan waxa aad is-bartaa akhristayaasha sida gaarka ah u xiiseeya barnaamijka Mashqac-geliye ee aan ku aqoonin. Jawaab: Mashqacow adeer xaqiiqdu iyo runtu waxa ay tahay dadka oo dhan waa i wada yaqaanaa oo u maleynmaayo in ay jirto cid aan i garanaynin oo hadii aad ka soo bilowdo, Saraar, Ceel-af-weyn, Gar-adag, Ceerigaabo, Barigaa Burco, iyo kun sagaal-boqol iyo 1994-kii oo Hargeysa igu horaysay. Magacyo bandanna waa la iiga yaqaanaa oo hadii aan kow ka bilaabo aan gaadhsiin karo kun. Balse inta ugu caansan ayaan wax yar kaaga sheegayaa: Muhanad, Jookarka Siyaasadda, xariif reer beri, Siyaasi Bislaaday,dus-dus badane, Cigaal ka yaabiye, Usama, Kaahin liqe, iyo Muuse Ridee, iyo weliba naanays had laga soo gudbay ee jeegaan Burburiye. Su;aal: Mudane Gudoomiye usama miyaanad xishooneynin waa maxay caanimada aad sheeganaysaa sowdigan dadkii aad tidhi way i wada garanayaan aad ku soo koobtay dadkii deganaa degaankii aad u dhalatay ee aad ka soo jeeday, meeye dadkii kale ee reer Somaliland? Jawaab: (Ex-Wasiir): Adeer xasadka iyo xiqdigu ma fiicna mashqacow taasna waxa cadeeyay culumadadeena, siyaasigeena…runtii iminka daliil aan kuu sheego ma xasuusto oo intii aan siyaasadda galay digrigii iyo xasuustuba way iga xumaadeen balse hadii aad arrinkaasi aad daliil u rabto ugu tag Bariga Burco uun. Aniga deegaanada waxa lagu dhaqda adhi Laxo u badan, ma lihin Beeero Xasiida. Su;aal Gudoomiye Jeegaan-burburiye, bal waxaad nooga warbixisa Mustaqbalkaaga Siyaasadeed.? Jawaab: Adeer Mashqac-geliyooow, waar suaashaba dhacdee qoladii aan isbahaysiga ahayn ee Loda haday maqlaan jeegaanbu burburiya ileen Cod si siin maayaanee, Miyaa lagu soo diray, waar jeegaana maan Burburinee qolada Lo.da ayaa doonaya inaan sasabtee ha igu dirin, kkkk waa kaftane, waad mahadsan tahay waxa I waydiisay su.aal wanaagsan, waxa doonaya inaan si kooban uga jawaabo, aniguu waxa doonaya inaan noqdo madaxweynaha 7-baad ee qaranka, ama kan dee ku xigaa madaxweyne Cirro. Su,aal: Gudoomiye Muuse Ridee rajo intee Le’egbaad rajo ka qabtaa inay shacabka Somaliland ku siiyaan Cod ka kala yimaada dhamaan deegaanada Somaliland?. Jawaab: Dee adeer anigu waxa ka helayaa deegaano badan tusaale ahaan Booramada waxa u diraya saaxibkay ama Ardaygaysa Maxamed Abiib, haduu doono hadhow Xukuumadayda hasoo mucaaride, Hargeysa iyo Waqooyigeeday noqotay, dee waan haya Furihii lagu furi lahaa, waxanan leeyahay waar Jeegaantii Muuse Burburiyay baa soo celinayaa. Markaa dee Sacad Muuse hal-daba la igu Codayn doonaan, Berbera iyo Ciise Muuse wax kale u sheegi doonaa, waana kasoo fekerayaa. Habar-yoonis iyaga abiyaashay abaal-baa ku leeyahay. Waanay ku qasban yihiin inay I Codeeyaan, waayo 34-sano kursi ay fuuli waayeenbaa saaray. Su,aal: Gudoomiye Jookar, ma deegaanadii aad madaxtimadoodi Riday Cod ka helaysaa?.... La soco qaybaha dambe. Leave a comment |
|
Waraysi Weriye Mashqac-geliye iyo Gudoomiye Jeegaan Burburiye.
Habar-yoonis iyaga abiyaashay abaal-baa ku leeyahay. Waanay ku qasban yihiin inay I Codeeyaan, waayo 34-sano kursi ay fuuli waayeenbaa saaray.