![]() Toddobaadkii hore sadex Suxufi/wariye ayaa lagu xidhay Hargeysa iyo Ceerigaabo laba waa la sii daayay mid na wali wuu xidhan yahay. Waa maxay sababtu.
Toddobaadkii hore sadex Suxufi/wariye ayaa lagu xidhay Hargeysa iyo Ceerigaabo laba waa la sii daayay mid na wali wuu xidhan yahay. Waa maxay sababtu.
Xadhiga C/qaadir Maxamed waa mid Aar-goosi ah oo lagaga soocay Suxufiyiinta kale ee la sii daayay, waxaanay noqonaysaa talaabo xukuumadda talada haysaa ay kaga baxday balanqaadyadii ay warbaahinta u samaysay wakhtigii ay mucaaradka ahayd. C/qaadir dhawr iyo toban cisho ayuu xidhan yahay waxaana lagu haystaa sawir Tiktok uu ka soo qaatay oo riwaayaddii Sooraan iyo Jawaan ku lahaayeen waar horta waxaynu dooranay muxuu ahaa. Riwaayada ay Fanaaniintaasi jileen way ka horaysay Madaxweynanimada Madaxweyne C/raxmaan hase yeeshee dhibaatada baraha bulshada waxa ka mid ah in la is hoos dhigay Muuqaalkii Labadaas Fanaan iyo Sawirka Madaxweynaha oo ay wax ku kordhiyeen. Wariye C/qaadir Sawirkaas iyo muuqaalka Tiktik yaalay waxba kumuu kordhin maadaama aanu waxba ku kordhin ee uu soo qaatay waxay ahayd in ay xukuumaddu muujiso dul-qaad isla markaana ay iska sii dayso wariyaha. SOLJA, waxa ka saaran masuuliyad wariyahaas iyo wariyayaasha kale ba inay u doodo oo ay sii dayso. Maadaama Baraha bulshada sharci ka yaala iyo xigashadoodubana aanay jirin ma jirto sabab uu Suxufigu ciqaab xadhig ah ugu mudan karaa illaa Maxkamadi xukun ku rido mooyee. Wazaan ugu baaqayaa xukuumadda talada haysaa inay Suxufigaas xorriyaddiisa ugu celiso sida ay kuwii kale ba Xorriyadooda ugu celisay Waxa qoray Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto Leave a comment |
|