![]() Safarka Madaxweyne Cirro ee Itoobiya ma noqon doonaa mid ka duwan kuwii hore ee Abu-dabai iyo Kenya?
Safarka Madaxweyne Cirro ee Itoobiya ma noqon doonaa mid ka duwan kuwii hore ee Abu-dabai iyo Kenya?
Arbcada oo ku began 12 ka bisha June ayaa la filayaa in uu Madaxweyne C/raxmaan Maxames C/laahi Cirro safar ku tagi doono caasimadda Itoobiya ee Addis ababa. Illaa hada warar is khilaafsan oo qaarkood sheegayaan in uu wasiirkiisa Arrimaha dibedu safarkaas Arbacada kaga sii horaynayo ayaa soo baxaya hase yeeshee warka tagitaanka Madaxweynaha ayaa isa soo taraya. Hadaba, dadku waxa ay is weydiinayaan Madaxweyne Cirro ma sidii Dubai iyo Djibouti ayuu martiqaad rasmi ah helay mise sidii Abu-dabaii iyo Kenya ayuu ku dhex dhici doonaa Itoobiya. Wariye Khadar Nuux oo Addis ababa ku sugan oo ka faalooday safarka Madaxwaynaha ee Itoobiya ayaa ku taliyay inaan usoo bixin Madaxweynuhu illaa uu dhawr iyo toban qoddob oo uu qariyay uu wax ka qabto. Dood badan oo ka dhalatay qoraalka Khadar Nuux ayaa u badnaa kuwo la xidhiidha dhaliilo uu u arkayo inay ka jiraan safaarada Somaliland ee Itoobiy iyo hab-qankii laga dhaxlay safaradii hore oo muujiyey inaanay wasaaradda Arrimaha dibeda iyo Madaxtooyadda Somaliland u maamulin qaab dublamaasiyadeed oo nidaamsan. Wali ma cada ujeedada rasmiga ee safarka Madaxweynuhu, maadaama oo xukuumadda C/raxmaan Cirro hore uga soo horjeeday MOU gii Somaliland iyo Itoobiya is fahamka ka gaadheen kaasoo gilgilay Adduunka illaa hadana taagan yahay isagoo galay xaalad dublamaasiyadeed oo aad u adag. Xukuumadda C/raxmaan Cirro safarada ay ku kala bixisay Dalalkii hore iyo kan Itoobiyaba wuxuu furfurayaa siyaasadda Guud ee Arrimaha dibeda C/raxmaan Cirro taasoo tan iyo markii uu xilka la wareegay la akhriyi kari la'aa. Safar kale oo Maraykanka ah baa la hadal hayaa inuu ku xigi doono kan Itoobiya. Inkasta la hadal hayo xidhiidho kale oo qarsoon oo ay Israa'iil la soo samaysay xukuumadda, kuwaas oo daba socda isku dayo hore oo ka hirgali waayay dhanka Somaliland. Israa'iil waxa ay aad u danaynaysaa dekedda Berbera, Jasiiradda saacadadiin iyo dhul ay dajiso dadka reer Falastiknbee ay barakicinta iyo xasuuqa ku hayso. Dadka isha ku haya safarada Madaxweynaha iyo weedhaha uu ka yidhaahdo arrimaha siyaasadda ayaa aad u hadal haya eraygii uu ku durayay Soomaaliya markii uu ku sugnaa Dalka Kenya kaasoo ahaa "Soomaaliya maxay yeeli Surprisess ka soo socda tan Kenya ayey la yaaban yihiine". Hadalkaas ayey Dadku is weydiinayaan sadexdan Dal ee Itoobiya, Maraykan iyo Talviv iyamaa samayn doona guusha Dublamaasiyadeed ee uu Madaxweyne Cirro ugu quus goyn doono Soomaaliya. Waxa qoray Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto Leave a comment |
|
Safarka Madaxweyne Cirro ee Itoobiya ma noqon doonaa mid ka duwan kuwii hore ee Abu-dabai iyo Kenya?
Safarka Madaxweyne Cirro ee Itoobiya ma noqon doonaa mid ka duwan kuwii hore ee Abu-dabai iyo Kenya?