![]() MARAYKANKU WUXUU SOMALILAND KA DOONAYO WAA LA GARANAYA, SOMALILAND IYADU MARAYKANKA MAXAY KA RABTA?
MARAYKANKU WUXUU SOMALILAND KA DOONAYO WAA LA GARANAYA, SOMALILAND IYADU MARAYKANKA MAXAY KA RABTA?
Warbaahinta caalamku waxay si maalinle ah u tabinaysa in maamulka madaxwayne Donald Trump U dhaw yahay in uu JSL aqoonsanayo; xarumaha cilmi baadhista Maraykanka(think tank centers) oo ay ka shidaal qaataan siyaasiinta xisbiga Jamhuurigu waxay madaxwayne Trump ku boorinayaan in uu si degdeg ah u aqoonsado JSL, sidaas oo kale dilomaasiyiintii ka soo shaqeeyay qaarada Afrika oo ka kooban wasiiro iyo safiiro hore ayaa iyaguna Trump u soo jeedinaya Somaliland in la aqoonsada in ay muhiim u tahay danaha Maraykanka. Hada la soco dilomaasiyiinta qaarkood waa ragga hadaba madaxwayne kala taliya arrimaha Afrika. Michael Robin oo argtidiisa iyo qoraaladiisaba laga tixgaliyo dalka Maraykanka isaguna wuxuu mudo dheer ka digayay dhaqdhaqqaqa Shiinaha ee Geeska Afrika iyo in lagaga hortagi karo Somaliland oo la aqoonsado. Taiwan iyo Imaaraadka oo galaan-gal xoogan ku leh labada aqal ee Maraykanka(Senate-ka iyo Congress-ka) iyaguna dhankooda waxay maamulka Trump ku cadaadinayaan aqoonsiga JSL. Sidadaraadeed marka la qiimeeyo baaqyada dhinacyo badan kaga imanaya iyo talooyinka lagu dhiiri galinayo waxa hubaal ah in madaxwayne Trump aanu ka laba-labayn doonin aqoonsiga Somaliland isaga oo ku qanacsan in ay ku jirto maslaxada dalkiisu iyo ilaalinta Badda Cas& gacanka Berbera(gacan Carbeed) iyo waliba bedgabka maraakiibta ganacsiga. Hadaba Markanku wuxuu doonayo wuu garanaya waana in uu saldhig milatari ka samaysto xeebaha Berbera, dhinaca dhaqaalahana wuxuu doonaya in shirkadihii shidaalka ee horeba dalkeena uga baadhi jiray ku soo noqdaan iyo shirkado kale oo ka sheeqaya noocyada macdanta.Muwaadin ma ka warhaysa in dalkeena laga helay 27 macdanood oo u badan kuwa macdoonka ah(rare earth minerals). Somaliland dhankeeda waxay ka doonaysa aqoonsi buuxa hase ahaate baahida Maraykanka waxaynu kaga faa'iidaysan karna wax inta ka badan sida awgeed xukuumada madaxwayne Cabdiraxman M Cabdilaahi waxa laga raba in ay ka sii fekerto waxay la tagi doonto miiska wada xaajoodka iyo in ay isku diyaariso gorgortan lala gali doono khubaro dilomaasiyiin ah oo la soo xulay iyo looyaro heer caalami ah oo meteli doona dhinaca Dawlada Maraykanka. Cabdiraxman Cadami Abdirahmanadami22@yahoo.com See less Edit All reactions: 3Leave a comment |
|
MARAYKANKU WUXUU SOMALILAND KA DOONAYO WAA LA GARANAYA, SOMALILAND IYADU MARAYKANKA MAXAY KA RABTA?
MARAYKANKU WUXUU SOMALILAND KA DOONAYO WAA LA GARANAYA, SOMALILAND IYADU MARAYKANKA MAXAY KA RABTA?