![]() Wasiiradda bariga Burco ee xukuumadda Cirro maxaa loogu dari waayay safarada Madaxweynaha? Taliyaha Sirdoonku se ma u raaci doonaa safarka Itoobiya.
Wasiiradda bariga Burco ee xukuumadda Cirro maxaa loogu dari waayay safarada Madaxweynaha? Taliyaha Sirdoonku se ma u raaci doonaa safarka Itoobiya.
Labadii safar ee Madaxweyne C/raxmaan Cirro ku tagay Djibouti iyo Kenya waxa raacay wasiiro Madaxweynuhu xushay hase yeeshee waxa laga dhex arki waayay kuwo bariga Burco oo ay aad iyo aad wax isaga waydiiyeen dadka ka soo jeeda deegaankaasi, balse illaa hada jawaab rasmi ah lagama helin sababta rasmiga ah. Dadka bariga Burco oo arrintan isha ku hayey ayaa ku sababeeyay inay sabab u tahay saluuga laga qabo masuulyiinta uu Madaxweynuhu u xushay kuwaas oo sida ay ku doodeen madaxweynaha laftiisu ay sheegeen inuu imika dareemay sidaas darteed na uga tagay. Taas bedelkeeda waxa uu Madaxweyne Cirro labada safar ba u kaxaystay Taliyaha Sirdoonka Somaliland kaasoo ka soo jeeda bariga Vurco, balse dadka isha ku haya safarada Madaxda kala duwan ee Xukuumadda waxa ay su'aal iska waydiiyeen sababta uu Taliyuhu safaradaas u galay iyo waxa uu mar kali ah u tagi waayay dalka Itooobiya oo cilaaqaad Amni inaga dhaxeeyo. Inta xukuumadda Madaxweyne talada haysay labada Janan ee Booliiska iyo Milatariguna waxay safaro ugu baxeen Dalka Itoobiya halka wasiirka Gaashaandhiga uu safiirka Itoobiya u jooga Somaliland kulan kula yeeshay, balse mar na saaxadda kulamadaas Itoobiya iyo Somaliland laguma arag Taliyaha Sirdoonka Somaliland.
Su'aasha isha lagu hayaa waxay tahay haddii uu Madaxweyne Cirro u baxo safarka la hadal hayo ee Itoobiya ma usii kaxaysan doonaa Taliyaha mise wasiiradda beesha taliyaha ee aan safaraddii hore u raacim buu ku buuxin doonaa weftigiisa.
Waxa Qoray Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto Leave a comment |
|
Wasiiradda bariga Burco ee xukuumadda Cirro maxaa loogu dari waayay safarada Madaxweynaha? Taliyaha Sirdoonku se ma u raaci doonaa safarka Itoobiya.
Wasiiradda bariga Burco ee xukuumadda Cirro maxaa loogu dari waayay safarada Madaxweynaha? Taliyaha Sirdoonku se ma u raaci doonaa safarka Itoobiya.