Wariye Mashqac oo safar deg dega ku tegay Kenya markii uu arkay Madaxweyne Cirro oo socod ku hurda "Wareeysi. Walahidii aan Jaamac Gaabuush Waaya waa Been oo waan la Kulmay Madax-yuubka Kenyati

0
Tuesday June 03, 2025 - 20:03:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Mashqac oo safar deg dega ku tegay Kenya markii uu arkay Madaxweyne Cirro oo socod ku hurda "Wareeysi. Walahidii aan Jaamac Gaabuush Waaya waa Been oo waan la Kulmay Madax-yuubka Kenyati

    Wariye Mashqac oo safar deg dega ku tegay Kenya markii uu arkay Madaxweyne Cirro oo socod ku hurda "Wareeysi. Walahidii aan Jaamac Gaabuush Waaya waa Been oo waan la Kulmay Madax-yuubka Kenyati

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Mashqac oo safar deg dega ku tegay Kenya markii uu arkay Madaxweyne Cirro oo socod ku hurda "Wareeysi. Walahidii aan Jaamac Gaabuush Waaya waa Been oo waan la Kulmay Madax-yuubka Kenyati
Weriye Mashqac-geliye ayaa si kedis ah ugu booqday Hotelka uu degan yahay Madaxweyne Basadiir, (Ex-Cirro) oo ku sugan magaalada Nayroobi,waxana hareera fadhiya gaabush, Khadar dhaka-mudhux.
Bariida ka dib waxa aan shariif basadiir u sheegay in aan gurmad ahaa oo aan deg-deg u soo baxay ka dib markii aan arkay Sawir adiga oo laga been sheegay kulankii Ruuto ama muran la geliyay adigoo la kulmay madax-yuubka Kenya Ruuto. Waxa aan is idhi ninkii Basadiir Abaar xaalku waa ku xun yahay ee bal gaadh.
ugu hoeyn Madaxweyne si guud intaa Joogtay Kenya yaad la Kulantay?. Jawaab waxa la kulmay Garaadada Sool qaar kamid ah, waxaa la kulmay madaxweynaha Itoobiya, waxa la kulmay madaxweyne madoobe, waxa la kulmay ninka gacalka ay yihiin Jaamac GAABUUSH ee Madaxweyne Deni, waxa la kulmay saaxibka inaa Khaliif. waxa kaloo Shariif Xasan Maxamuud wax jawaab ah ima siinin ku dhawaad hal daqiiqo iyo badh, waxa aanu iska sii watay hees loo qaadi jiray xuska maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May…#waa maalintii dhiig miiratada la muquuniyee Maayoo..waa maalintaydii Maayoo…waa maalintiinii Maayoo.. waa maalinteenii Maayo.
Waxa uu ii sheegay inuu aad u fiican yahay oo waxa uu ugu yidhi ishaada ayaa kuu macallin ah oo waanigaa heesaaya ee aad i aragto. Waana been ayuu igu yidhi wararka uu faafinaayo warxumo tashiilka fake News. Balse adeer ha ka tegin nin dal aan la ictiraafin madax u ah, Carab dhegaha cudbi ugu jirana raba in uu qadiyadda Somaliland ka dhaadhiciyo, labadan ninna had iyo jeer dhinacyadda ka fadhiyaan in uu socodka ku hurdo waaba saleelo hadii aanan fadhiga ku luloon waayo hurdada fadhigu waa astaamaha faqriga iyo camal la’aanta.
madaxweyne Basadiir waxa uu ka cudur daartay in uu i siiyo wareysi, balse waxa uu iga codsaday in aan ka qaado su’aalo iyo jawaabo deg-deg ah ‘quiz’ si loo ogaado ‘Intelligence Quantum ama IQ’ si loo fashiliyo ku tiri kuteenka Ballo Medai ee uu markhaatigana u furay kulmiyihii dhacay.
Suaal: madaxweyne Madaxa Wafigaaga waa Kumma. Jawaab: Adeer Mashqac geliye ma taasad i waydiinaysa dee waa Inadeerkay Jaamac Gabuush Cigaal.
Suaal: Sheeg Caasimadda dalka Kenya? Jawaab: EEN-EEN DEE KENYA.
Suaal: Magacii hotelkan aad degan tahay?Jawaab: Maamus Kenya.
Suaal: Shaadhkaagu imisa badhan (botton) ayuu leeyahay?Jawaab: 33 badhan.
Suaal: Sheeg midabka shaadhkaaga? J: Kaarbat Cas (red carpet).
Suaal: Ma noo sheegi kartaa magaca aatatulaha Kenya? Jawaab: Afartan May.
Suaal: Ma noo sheegi kartaa magac madaxa weftigaaga? Jawaab: Qardhaas (khadar dhaka mudhux).
Suaal: Minjaha weftigana waa kuma? Jawaab: Jaxaas (kaltuun)
Suaal: Waa kuma madaxweynahay JSL? Jawaab:.. Muuse Bixii adeer raalli ahow..halmaan hadal kuma jiro.. waa anigaa Basadiir.
S: Madaxweynaha Jabuuti waa kuma? J: Xasan Guuleed Abtidoon..istaqfurulah..afkaygoo buus..maxaa marxuunkiina ii geeyay..adeer waa Ismaaciil Buur.
Suaal: Ka dowladda KM ee Somaaliyana? Jawaab: Shariif Sakiin
S: Baravo..well-done..Yaa madaxweyne ka ah dalka Kenya? J: Jooma Kenyatta…adeer su’aalo adag i weydii waa maxay waxa aad ninkeygan weyn ee ‘master-ka’ sita aad kula meereysanaysaa.
S: Waayahay eh tan uu ka jawaab. Yaa heysta dalka Ethiopia? J: ninkii aanu saaxiibka ahayn markii aan hogaamiyaha ka ahaa Siidhiga, ma xasuustee? baal i sheeg.


S: Shariif Basadiir ilaa hadda su’aal keliye maad qaldin. Dalka Somaliland imisa gobol ayuu ka kooban yahay? J: 21-ka Oktoobar iyo Burco…waa 22 gobol.
Suaal: Waa kuma gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland? J: anigaa Go’da
Suaal: Sax..sax..100%.Yaa wasiir ka ah wasaaradda Daakhiliga? J: Carab-dheere.
Suaal: Waa kuwama gudoomiyayaasha xisbiyadda qaranka? J: Ina Biixi Taar Wale waa Kulmiye..Ina Xaashi waa Kaah ..ilaahow aanan caqliga waayin Waddanina Waa aniga.#
S: Axmed Guddi ma xasuusan kartaa gudidii iyo gudoomiyihii ugu cadaaladda badnaa ee abid ku soo mara? J: Haywa yaa Mashqac..annaa takalam luqul carabiya fusxa..calimnii bintu camii Xirsi..Walaahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Fii Ardo Somaal (Somaliland) Axsan guddi fiil caalim, walahaa gudoomiye Ciise Dawiil Kuweys Jiddan..Kuweys Jiddan…anaa ma naseyto hadaa rijaalal axmar…Miyaad garaneysaa waxa an afka carabiga ugu hadlay..Kuweytigaas ayaan isleeyahay ha u sheego Sheekha si shaxaadka iyo sooryadu noogu badaan.

Suaal: Su’aasha ugu denbeysa waxa lagu bixinayaa 10 darajo ee ka fiirso Madaxweyne Cirro. Waxa aad kala sheegtaa magacyadda Abaarihii dalka soo maray sannadihii 1974-75 iyo tan ugu denbeysay ee ahayd 2010-11?
J:Alla..alla..max waxaasaad ku bixineysa toban…abaartii 1974-75 waxa ay ahayd ABAARTII DABA DHEER; tan ugu denbeysayna ee 2010-11 waa KA SII DABA DHEER..ahaahhhhhhhhhhhaaa, inkasta oo aan magac kale madowga Kenya ugu imid oo ah in loo bixiyay Abaartan Denbe ABAARTII KULMIYE.
Waad mahadsan tahay Shariif Cirro‘IQ-kaagu’ aad iyo aad ayuu u fiican yahay marka loo eego da’da aad jirtay, noqoshada ama ahaanshaha hogaamiye dal aan la aqoonsaneyn oo uu weliba irsaaqada u xisaabiyo Wasiir Jug soo dhacay., duruufaha iyo xubnaha weftiga ee kugu xeeran oo qaarkood kugu noqday Qardhaas iyo Jaxaas. Well done.Kenya madaxweyne Madax Diir..adeer hadii aan IQ sareynin maanigaa doorashadaba ku soo bixi lahaa?Ma Ballo Cali Waraabe ayaa baabin lahaa INGO-giisi..bal waa kaas eh muxuu iminkana sheegi..Annaa Xariif.. Annaa Xariif.. Annaa Xariif.. Annaa Xariif..Kufurtu bilaahay Annaa Xariif..
Shabakada Xogreeb Medai,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured