![]() Khalkhal ku Yimi Adeegga SAAD iyo Fadeexadaha Dulhonaya Shirkadda Telesom...
Adeegga Lacagaha La Isugu diro ee Saad oo ay bixiso Shirkadda Telesom, ayaa caawa mar keliyaa istaagay, isla markaana shaqayn waayay hababka wax la isaggu diro. Adeegga Lacagaha La Isugu diro ee Saad oo ay bixiso Shirkadda Telesom, ayaa caawa mar keliyaa istaagay, isla markaana shaqayn waayay hababka wax la isaggu diro.
Adeegan Saad ee ay Bixiso Shirkadda Telesom oo la mataano ah, Shirkada Somaliya ee Hormuud, ayay bulshada Somaliland dhigataa hantideeda cadaanka ah, iyadoo ku bedelata habka Electariga ah ee Saadka. Hakadka ku yimi waqti kooban caawa Adeega Shirkadda Telesom ee Saad, ayaa madaxa isu geliyay malaayin dad reer Somaliland ah oo adeegan wax ku iibsada ama ku Iibiya. Caawa markay Saacada Africada bari ahayd 11:30, ayay markeliyaa istaagtay lacag dirida iyo nooc kasta oo la xidhiidha adeegan lacagaha, iyadoo waqti ku dhow 30 daqiiqo ah, hawada ka maqnayd. Waxana halkaa ay kala kulmeen khasaare xoogan oo kala duwan bulshadii wax ku iibsanaysay iyo kii ku ibinayay, iyadoo ay madaxa isla wada galeen dadka wax ka cunayay Huteelada ama sida degdega ah wax uga iibsan lahaa dukaamada. Si kastaba ha ahaatee Ciladaha isdaba jooga ah ee bulshada kula kulanto Shirkada Telesom oo siffo xeeladaysan gacanta ugu dhigtay hantida Malayin Somaliland ah, kuna bedeshay Nombarada Saadka, ayaa lagala kulmaa khasaare baaxad leh, waxana mudooyinkii u dambeeyey isa soo tarayay fadeexadaha masuuliyad daro ee hadhayay adeegga lacagaha SAAD, iyadoo aanay haba-yaratee Shirkadda Telesom ka bixin wax raali-gelin ah. khasaaraha iyo dhibka kala duwan ee bulshadu kala kulanto adeega Saad kuma koobna ciladaha isdaba jooga ah ee hababka dirista lacagaha, balse waa mid ka balaadhan, iyadoo nidaamyada la xidhiidha lacaga iyo adeegan uu yahay mid hoos u dhac weyn ku yimi, isla markaana ay ku xeeran yihiin khasaare baaxad leh oo lagala kulmo. Kheel-dheerayaal dhaqaale-yahano ah, ayaa xiliyo kala duwan bulshada Somaliland uga digay inay dhaqaalahooda dhigtaan adeega Shirkada Telesom ee Saad, sidoo kale, dhaqaale yahay Ismaacil World Remit oo leh nidaamka xaawaladah aduunkaa ayaa sanaadihii lasoo dhaafay shirar jaraaid oo u qabtay ku sheegay in adeega lacagaha ee Saad laga maamulo caasimada Somaliya ee muqdisho, isla markaana uu gacanta ku hayo Wiil u dhalay mulkiilaha Shirkada Hormuud Axmed Nuur Jimcaale. la soco warbixino taxane ah. See less
Leave a comment |
|
Khalkhal ku Yimi Adeegga SAAD iyo Fadeexadaha Dulhonaya Shirkadda Telesom...
Adeegga Lacagaha La Isugu diro ee Saad oo ay bixiso Shirkadda Telesom, ayaa caawa mar keliyaa istaagay, isla markaana shaqayn waayay hababka wax la isaggu diro.