weerarada ay facebook (social media accounts) kusoo qaaday Xukuumadda Madaxweyne cirro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) xiligii uu ololaha ku jiray iyo markii uu talada dalka ku guulaystay ladaba waxa uu
si cad u sheegay inuu si buuxda u ilaalinayo xoriyatul-qawlka, cabbirka fikirka xorta ah iyo in aan la dhibsan dhaliilaha loo jeediyo Xukuumaddiisa, ballanqaadkaasna ilaa hadda Madaxweynuhu wuu ku taagan yahay.
Hasayeeshee, waxa jira muxaafid abaabulan iyo kooxo guul-wadayaal is-xilqaamay oo dagaal kula jira dadka dhaliila Xukuumadda talada haysa, waana kooxo la sheegay in lagu ururiyey WhatsApp groups kala duwan, loona adeegsado inay hawada ka saaraan akawnada iyo pages-ka baraha xidhiidhka bulshada (social media accounts) ay adeegsadaan dadka Xukuumadda dhaliila.
Xiligan si cad uma jirto mucaaridad xoogan oo Xukuumadda WADDANI ku socota, xisbiyada mucaaridka ahina weli wax mucaaridad abaabulan ah may qaadin, sababtoo ah waxa weli la dhawrayaa Xukuumadda iyo Madaxweyne oo muddo kooban xafiiska jooga.
Laakiin, weerarada ay muxaadidka xagjirka ahi ku hayaan shaqsiyaadka kooban ee Xukuumada dhaliila iyo in la dacweeyo, weliba si been-abuur ah loo report gareeyo baraha bulshada ay shaqsiyaadka mucaaridka ahi adeegsadaan waxay sawir xun iyo sumcad-xumo soo jiidayaan Xukuumadda talada haysa, taasi oo noqonaysa ceeb loo soo jiidayo Madaxweynaha Somaliland.
Dadka sida gaarka ah loo bartilmaameedsado waxa ka mid ah Ahmed Mohamed oo Xukuumaddii Muuse Biixi mucaaridad adag kula jiray, xiligana mucaaridad adag kula jira Xukuumadda Cirro.
Waxa la bartilmaameedsaday meherada ganacsigiisa, pagekii meheradaas hawada ayaa laga saaray, waxa kaloo hawada laga saaray pagekii Barta X (Twitter) ee Inside Africa oo ahayd madal si xoogan looga difaaco qaddiyadda madaxbannaanida iyo qaranimada Somaliland, balse mararka qaarkoodna lagu baahiyo dhaliilo ka dhan ah Xukuumadda Cirro.
Weriyeyaal, dad kale oo Xukuumadda dhaliilay ayaa muddada kooban ee Xukuumaddu jirtay la xidhay, taasina waa sawir kale oo sumcadda lagaga dilayo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, waana ficilo inta badan aan ku iman go'aan dawladeed, balse meel dhexe iyo xafisyo ilaa heer hobol ah ku kooban.
Arrimahani haddii ay sii socdaan waxay sababi karaan dhibaato walaaceeda leh,waana in dawladdu, gaar ahaan hay'adaha ku shaqada lihi il gaar ah ku eegaan, waxba ka qabtaan dadkan abaabulan ee weerarka ku haya cidda dhaliisha Xukuumadda talada haysa.
Qalinkii Weriye
Maxamed Cirro.
weerarada ay facebook (social media accounts) kusoo qaaday Xukuumadda Madaxweyne cirro
weerarada ay facebook (social media accounts) kusoo qaaday Xukuumadda Madaxweyne cirro