Su'aasha ugu badan ee dadku isweydiinayaan waa maxaa is badelay ?

0
Tuesday June 03, 2025 - 19:39:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su'aasha ugu badan ee dadku isweydiinayaan waa maxaa is badelay ?

    Siyaasadu waa u dananaynta dadka u adeegidooda iyo u hadalkooga hadba xaaladaha lagu jiro iyo marxalada la joogo taasi oo qasab ku ah qofwaliba oo umadani ka doonaya in uu hogaamiyo iyo inta maanta talada joogtaaba in ay ka shaqeeyaan . Marka aad ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadu waa u dananaynta dadka u adeegidooda iyo u hadalkooga hadba xaaladaha lagu jiro iyo marxalada la joogo taasi oo qasab ku ah qofwaliba oo umadani ka doonaya in uu hogaamiyo iyo inta maanta talada joogtaaba in ay ka shaqeeyaan . Marka aad tagto suuqyada magaalooyinka waxa aad dareemaysaa in hoos u dhac weyni jiro iyo in dadkii hayntoodii aad u yaraatay waxaana muhiim in la isweydiiyo waayaha iyo duruufaha dadkeenu ku nool yihiin marwalba.
Su'aasha ugu badan ee dadku isweydiinayaan waa maxaa is badelay ?
Siyaasadu waa u dananaynta dadka u adeegidooda iyo u hadalkooga hadba xaaladaha lagu jiro iyo marxalada la joogo taasi oo qasab ku ah qofwaliba oo umadani ka doonaya in uu hogaamiyo iyo inta maanta talada joogtaaba in ay ka shaqeeyaan .
Marka aad tagto suuqyada magaalooyinka waxa aad dareemaysaa in hoos u dhac weyni jiro iyo in dadkii hayntoodii aad u yaraatay waxaana muhiim in la isweydiiyo waayaha iyo duruufaha dadkeenu ku nool yihiin marwalba.
Haddaba xiliga lagu gudo jiro oo ah bishii dulxijah oo waliba dalka laga dhoofiyo xoolo badan ayaa waxaa ku soo beegmay dhawr marxaladood oo dalka iyo dadka culeys dhaqaale iyo nololeed ku ah oo kala ah ;
1- Qiimaha badeecadaha ganacsiga guud ahaan , gaar ahaan raashinka iyo quutul daruuriga oo aad u qaali ah oo aan marnaba waxba iska badelin iyo qiimihii sarifka oo aan isagana waxba iska badelin.
2- Shaqo la'aan baahsan iyo lacagta inta shaqeysaa qaataan oo aan waxba badan nolosha ka kafaynayn , iyaga oo dadka shaqeeyaa dalka ay ka yar yihiin 10% ayaa ay isugu jiraan shaqaale mushahari ah oo bil wax lagu siiyo , iyo shaqaalaha xoogsatada ah ( muruqmaal ) iwm oo maalin dirirka nolosha eryada , labaduba duruuf ahaan waxa ay qaadanayaan waa wax aad u yar oo noloshooda aan si fiican u kafayn karin isla markaana ma jirto siyaasad iyo sharci eegaya qofku inta uu ku shaqeyn karo saacadii oo ku sar go'an nolosha dhabta ah .
3- Culeyska shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka joogaa ku hayaan dhaqaalaha maadaama aanay sharci waddanka ku joogin , sidoo kale muwaadiniintii shaqooyinkii ku cidhiidhyeen , isla markaana aanay dawladu cashuur ka qaadin sida muwaadiniinta loo cashuuro.
4- Dhaqaalaha dalka oo taagnaa marka horeba oo ay siyaasada xukuumadii hore iyo dagaaladii saameeyeen , siyaasada xukuumada oo aan wali muujin fur-furnaanta dhaqaalaha maadaama la isku daba nool ayaa sababay in marba marka ka dambaysa wax kala iibsiga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsigu yaraado kaasi oo saameyn ku leh malaayiin qof.
5- Roobabkii gu'ga oo dib uga dhacay xiligii la sugayey mudo 4bil ah ( 120 maalmood ) oo saameyn nololeed iyo cidhiidhi dhaqaale ku abuuray dadka iyo dalka Somaliland miyi iyo magaaloba xili aad waayuhu u adag yahay.
6- Maadaama aan dawladi kafaynin baahiyaha dadka oo wax waliba lacag noqdeen, marka aad nolosha eegto qoys waliba wuxuu la dhiban yahay qiimaha korontada oo qaali ah , biyaha , waxbarashada ardeyda iyo caafimaadka oo ah aasaaskii nolosha .
7- Shidaalka oo ah mid ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee nolosha dadku ku tiirsan tahay maadaama wax waliba Shidaal ku shaqeeyaan oo aanay dadka jamhuuriyada Somaliland gaadhi in ay sameystaan tamar kale oo ay kaga maarmaan ayaa isaguna saameyn ku leh nolosha maalinlaha ah , ta guud iyo xaaladaha cakiran ee dhaqaale.
8- Xukuumada oo ku jirta sanadkii ugu horeeyay lana filayo in doorashooyin dhacaan sanadka 2026 ayaa wali aan soo bandhigin qorshaha maaliyadeed , maalgashi iyo dhaqaale ee qaranka sanadkan iyo kuwa dambe ee soo socda.
9- Nidaamka loo maamulo sarifka iyo lacagta dalka , baananka dawlada iyo kuwa aan dawliga aheyn oo aan saacideyn nolosha iyo dhaqaalaha dalka , sababta oo ah siyaasada dhaqaalaha dalku waxa ay ahayd in ay siyaasada maamulka lacagta wada shaqeeyaan si wareegtada noloshu aanay u istaagin .
10- Wax soosaarka dalka oo aad u hooseeya iyo siyaasada qaranka oo aan wax ka badel iyo casriyeyn lahayn ayuu dalku dareemayaa culeys weyn oo xaga nolosha iyo dhaqaalihii qoys ilaa qaran , waxaana la yaab ah dal miisaaniyada 35% in ka badani nabadgalyo ku baxdo 20 kii sanadood ee ugu dambeeyay oo aan marqudha dib u eegis lagu sameyn si loogaga faaiideeyo xaga wax soo saarka iyo horumarka dhaqaalaha badan ee meelahaasi ku baxa.
11 - Saameyntii xiligii ololaha doorashada oo dalku dhaqaale ahaan sagxada joogey haddana la isticmaalay lacag malaayiin dollar ah ayaa waxay noqotay wax ka go'an nolosha dadka oo ilaa hadda la dareemayo isla markaana u baahan in mustaqbalka qorshe laga yeesho culeyskaasi.
Arimahani oo isbiirsaday ayaa isugu jira qaar caalamku inala qabo iyo kuwo inoo gaar ah , marka aad si dhab ah u eegto nolosha dadkeenu aad ayey u sii kala fogaaneysaa waxaanay mustaqbalka inagu keeni doontaa mar waxba laga qaban kari waayo.
Mohamed Abdi Jama Dhimbiil
Murashax Golaha Wakiillada 2026 insha Allah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured