![]() Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee UK- Oo Bannaan-bax Ballaadhan ku Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya...
Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee UK- Oo Bannaan-bax Ballaadhan ku Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya...
London,(xogreeb-Jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska oo banaanbax weyn u soo baxay magaalada London waxa ay taageero ballaadhan u muujiyeen heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Dadweyne kumanaan ah oo isugu jira dhalinyaro, haween , caruur, waxgarad, aqoonyahan iyo culimo ka kala socday dhammaan magaalooyinka dalka ingiriiska ayaa ka soo banaanbaxa shalay. Qabanqaabada banaanbaxa oo ay iska kaashadeen masuuliyiinta Safaarada Somaliland ee Ingiriiska, jaaliyadaha kala duwan ee Ingiriiska ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xukuumada ingiriiska iyo caalamka loogu sheegi lahaa inaan jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland gorgortan geli Karin, beesha caalamkana loogu baaqay inay aqbalaan. Banaanbaxa ayey sidoo kale kala soo qeybgaleen xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska ee sida weyn u taageera qadiyadda madaxbanaanida Somaliland kana mid yahay Xildhibaan Gavin Williamson. Leave a comment |
|