![]() Shirkada DP World Iyo Guddida Dhismaha Jaamacada Sheekh Oo kala Saxeexday Heshiiska Dhismaha Shaybaadh Casri Ah
Shirkada DP World Iyo Guddida Dhismaha Jaamacada Sheekh Oo kala Saxeexday Heshiiska Dhismaha Shaybaadh Casri Ah Berbera, (Xogreeb.com) - Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka, Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al-Banna iyo guddida dhismaha Jaamacada Sheekh ayaa kala saxeexday heshiiska dhismaha Shaybaadh casri ah (Laboratory) oo ay yeelan doonto Jaamacada Sheekh.
Heshiiskan ay wadagaleen labada dhinac ayaa dhigaya in Shirkada DP World ay maalgaliso dhismaha shaybaadhkaasi ay yeelan doonto Jaamacada Sheekh. Goobtii lagu saxeexayey heahiiskan ayaa waxa joogay oo ka soo qaybgalay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi. "Waxaan kala qayb galay Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka, Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al-Banna iyo guddida dhismaha Jaamacada Sheekh, oo kala saxeexday heshiiska dhismaha Shaybaadh casri ah (Laboratory) oo ay yeelan doonto Jaamacada Sheekh taas oo ay maalgelin doonto Shirkada DP World". Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Said Hassan. Masuulkan ka socda shirkada DP World ayaa intii uu ku sugnaa gobolka Saaxil waxa uu booqday Dekeda Berbera. Leave a comment |
|
Shirkada DP World Iyo Guddida Dhismaha Jaamacada Sheekh Oo kala Saxeexday Heshiiska Dhismaha Shaybaadh Casri Ah
Shirkada DP World Iyo Guddida Dhismaha Jaamacada Sheekh Oo kala Saxeexday Heshiiska Dhismaha Shaybaadh Casri Ah