![]() Maareeyaha Dekedaha JSL oo gudaha Dekeda Berbera kusoo Dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Maareeyaha Dekedaha JSL oo gudaha Dekeda Berbera kusoo Dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Berbera(Xogreeb.com)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Wafti Balaadhan oo u hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici).
Maareeyaha, ayaa ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla Markaana kusoo wareejiyey qaybaha Dekeda Berbera ka kooban tahay, isagoo uga Warbixiyey Horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay Dekeda Berbera, Sidaasna waxa Lagu sheegay qoraal kooban oo u Maareeyaha Dekedaha JSL Eng Siciid Xasan Cabdilahi ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasoo u dhigaan sidan.
"Waxa aannu ku soo dhawaynay Dekedda caalamiga ah ee Berbera, Madaxweynaha Ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar shaqo ku soo gaadhay Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil. Warbixin faahfaahsan baannu ka siinay horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaale ee Dekedda Berbera". Leave a comment |
|
Maareeyaha Dekedaha JSL oo gudaha Dekeda Berbera kusoo Dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Maareeyaha Dekedaha JSL oo gudaha Dekeda Berbera kusoo Dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland