![]() Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhiig Ugu Deeqay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Shalay, Baaqna U Diray Bulshada Somalia
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhiig Ugu Deeqay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Shalay, Baaqna U Diray Bulshada Somalia
Muqdisho, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyada argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda; biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaareen dhaawacyada, isaga oo dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran. Leave a comment |
|