![]() Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Masuuliyiin Dhawaan Madaxweyne Biixi Magacaabay
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Masuuliyiin Dhawaan Madaxweyne Biixi Magacaabay Hargeysa, (Xogreeb.com) - Fadhigii maanta ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominayeye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa lagu ansixiyey Masuuliyiin uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xilal u magacaabay.
Masuuliyiinta golaha Wakiiladu uu ansixiyey ayaa kalfadhiga maanta ka hor akhriyey khudbado ku wajahnaa taariikhdooda waxbarasho, shaqo iyo noloeed (CV). Waxaana ka mid ahaa Masuuliyiinta la ansixiyey Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka iyo horumarinta Dr. Axmed Aadan Buuxane, Wasiirka Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa, Gudoomiyaha Hay'ada Caymiska iyo Gudoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada Mukhtaar Maxamed Cali iyo Masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaanyoodba cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland. Leave a comment |
|
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Masuuliyiin Dhawaan Madaxweyne Biixi Magacaabay
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Masuuliyiin Dhawaan Madaxweyne Biixi Magacaabay