FASIRAAD SHARCI AYAA MEESHA YAALA OO LABADA QAYBOOD ISKU HAYAAN, TAASNA MAXKAMADA DISTOORIGA AYAA XAQ U LEH. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Thursday December 16, 2021 - 02:01:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FASIRAAD SHARCI AYAA MEESHA YAALA OO LABADA QAYBOOD ISKU HAYAAN, TAASNA MAXKAMADA DISTOORIGA AYAA XAQ U LEH. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    FASIRAAD SHARCI AYAA MEESHA YAALA OO LABADA QAYBOOD ISKU HAYAAN, TAASNA MAXKAMADA DISTOORIGA AYAA XAQ U LEH. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FASIRAAD SHARCI AYAA MEESHA YAALA OO LABADA QAYBOOD ISKU HAYAAN, TAASNA MAXKAMADA DISTOORIGA AYAA XAQ U LEH. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Waxaa Muuqata arrinta furista Ururada ee Goluhu isku Maan dhaafsan yahay waxay tahay fasiraad Sharci qoloba dhinac ka taagan tahay,  Waa laysla qirsan yahay Inuu Mashruucan sharci Golihii Baarlamaanka ee hore ka gudbay 29/06/2021 una gudbay Madaxweynaha, Mudada sharcigu siiyey Madaxweynahana waa laysla qirsan yahay inuu yahay 21 Cisho  kuna beegan 20/07/2021 waana Taariikhda qoraalka Madaxweynuhu yahay, intaas kadib Taariikhda uu Shir-gudoonka Baarlamaanku Qabtay qoraalka Madaxweynuhu iyana waa, 21/08/021 waxaana u dhexeeya 31 cisho.
Halka laysku hayaa waa 31 Cisho ee Qolo  leedahay Maamulka Baarlamaanku isagu Mar walba wuu shaqaynaayey ,isaga ayaana qabta qoraalada Baarlamaanka ku socda, Sabab loo yidhaahdo waqti kala wareeg ah ayaa intaas lagu jiray, waqtiga ay baarlamaanka u timi ayaa laga qaadanaya, haddii xitaa Qoraalka madaxweynuhu ku taariikhaysnayn lahaa markii loo soo gudbiyey 5 cisho ka dib, waxaa laga qaadanayaa waqtiga ay Baarlamaanka Soo gaadhay, sidaas baanay waqtigii u dhaaftay, dhaqan-galna ku yahay sharcigu, Qolona u leedahay waqtiga uu qoraalku ku soo beegmay ayaa ahayn laba baarlamaan dhexdood, markaa cid loo gudbiyaana meesha may joogin waqtigaas, ee lama xisaabinayo Mudada ka wareegu socday.
Waxa Meesha yaalaa ee laysku hayaa Waa fasiraadaa  sharci, Cida xaqa u leh fasiraada Sharci Marka laysku qabto waa Maxkamada Distooriga oo ah Maxkamada Sare, waxaa Cad inaan lagu Kalsoonaan karin Garyaqaanada Golaha, Maadaama loo arkay niman Sharciba eegayne ay Caadifadoodu hogaaminayso, sidoo kale  Gudoomiyaha Goluhuna Mar haddii uu Golaha oo aan Kooramkiisu buuxin uu iska furay, isna kuma kalsoonaan karan Xubnaha soo gudbiyey Mooshinku, waxay arrintu ku go'aysaa waa Maxkamada Distooriga ah fasirada iyo xukunka ay ka soo Saarto. Ayaa noqonaya Ka la qaadanayo. Wa bilaahi Tawfiiq.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured