![]() DAGAALKA ITOOBIYA (Guulaystayaal Idin Kala Garanmayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta ama Kala Guulaysta). Qalinkii Siyaasi Cali Guray
DAGAALKA ITOOBIYA (Guulaystayaal Idin Kala Garanmayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta ama Kala Guulaysta). Qalinkii Siyaasi Cali Guray
Sida ay warbaahinta dawladda iyo Baraha Bulshada qaarkood ay u dhigayaan ciidamada dawladda iyo xulafada ka barbar dagaalamaya way jirtaa in ay kaga gacan sareeyaan TPLF goobaha dirita ee dagaamada Amxaarada iyo Canfarta. Labadii todobaad ee ugu dambeeyay dhulkii TPLF ay hore uga qabsadeen oo ay ku jiraan magaalooyin waawayn oo muhiim ah iyo kuwo istraataji ahiba Ciidanka Dawladdu ayaa ku guulaystay in gacantooda dib u soo galaan iyaagoo inta badan ay la wareegeen markii ay ka baxeen ciidamada TPLF. Guulaha hawlganka loogu magacdary Mililk oo ahaa Boqorkii ka horeeyay Xayle ee Boqortooyadii Amxaarada ahayd waxa jira arimo dhawr ah oo dhibaca Ciidamada Dawladda iyo xaaladda ciidanka TPLF oo is- huwan ah.
Hadaba marka aynu eegno xaaladda Itoobiya iyo xaaladda dagaalku halka ay marayso ma la odhan karaa guulaha ciidanka Dawladda iyo xulafadoodu ma la odhan karaa dagaalkii Itoobiya waxa dhaw dhamaadkiisii oo waxa suurogal ah in hawlgalkan Mililik si dhakhso ah loogu soo afjari doono ciidanka TPLFna si buuxda loo burburin doono laguna qasbi doono in hadhaagoodu ay is-dhiibaan hubkana tiirin doonaan. Sidaana Abye Ahmed iyo Amhaaro dantii ay ka lahaayeen gebi ahaanba dagaalka gobolka Tigray ay ku gaadhi doonaan si ugu dambaysta ay meesha uga saaraan nidaamka hadda ka jira Itoobiya ee Faderaalka qoomiyadaysan ah dibna ay Itoobiya ugu noqon doonto gacanta dawlad dhexe oo awood badan leh sidii ay qoomiyadda Amxaaradu keligeed ku hamiyaysay keligeed balse qoomiyadaha kale ee Itoobiya oo dhamina ay ka soo horjeedeen.
Dagaalka Itoobiya lagama yaabo in uu sidaa dibta yar wakhti kooban si fudud oo dhakhso ah loogu soo afjari karo. waayo hadda dagaalku wuxu socday muddo 13 bilood ah waxanu soo maray sadex marxaladood. Marxaladii koobaad waxay ahayd weerarkii 4tii November 2020kii ay ciidanka dawladda, maleeshiyada Amxaarada iyo weliba ciidanka Calatariya oo iskaashanayay ku galeen gudaha Gobolka Tigray ee ay ku qabsadeen dhamaan magaalooyinka waawayn ee Gobolka Tigray oo markii ugu horaysay ay gacanta ku afarta magaalo ee waqooyiga oo ku dhaw xadka Calatariya (Shire, Adwa,Axum iyo Atigret) ka dibna ay Maqalle oo ah caasimadda Tigray ay qabsadeen.
Marxaladda labaad waxay ahayd rogaalcelintii Ciidanka TPLF oo sidii hore ay u sii sheegeen ciidamadii ku soo duulay ay ku burburiyeen gudaha Gobolka Tigray oo weliba si foolxun ugu jebiyeen ciidamadii cadawgooda oo noqday wax ay dileen, waxay qabteen oo isu dhiibay iyo wax kala yaacay oo firxadkoodi koonfur iyo Gobolka Amxaarada beegsaday badhna xadka Calatariya ay galeen. Hubkii ciidamada ay TPLF jebiyeen wuxu noqday wax ay ka burburiyeen iyo wax iyaga gacantooda galay.
Marxaladii labaad ee dagaalku halkaa ayay iyo guul TPLF ayay ku dhamaatay waxana bilawday marxalad cusub oo tii sadexaad ah ka dib bishii June markii Xoogaga TPLF ay dib u qabsadeen magaaladii ugu dambaysay Gobolka Tigray oo ahayd Caasimadda Maqalle……
La soco qaybta dambe (maraxaladda sadexaad iyo ta afraad) Leave a comment |
|
DAGAALKA ITOOBIYA (Guulaystayaal Idin Kala Garanmayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta ama Kala Guulaysta). Qalinkii Siyaasi Cali Guray
DAGAALKA ITOOBIYA (Guulaystayaal Idin Kala Garanmayno Eh Guulaysta Oo Wada Guulaysta ama Kala Guulaysta). Qalinkii Siyaasi Cali Guray