![]() TALO XUMAY BA': WAA TA MUQDISHO TAALA MAANTA. Qalinkii Siyaasi Cali Guray
TALO XUMAY BA': WAA TA MUQDISHO TAALA MAANTA. Qalinkii Siyaasi Cali Guray
Farmaajo wuxu hunguraynayaa in uu noqdo madaxwanihii ugu muddada dheeraa Somalia ka dib odaygii adeerkii ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo kursiga xejisto muddo toban sanadood gaadhaysa ama ka badan. Sida ay hadda wax u socdaan hadii aan wax iska bedelin waxay u badan tahay in tiisu u socon doonto.
Bal day hadda sanadkii shanaad ayaa u dhamaanaya afar sanadoodna way muuqataa in aanu jirin musharax laga yaabo in uu kaga guulaysan karo doorashada la wadwado. Hadii ay sidaa u dhacdo waanay u badan tahaye bal nimankan mucaaridka sheeganaya ee mid ka kale wax u ogoli aanu jirin horta kumaa ugu fadalo cadcad ee wax isla haya? Kuwa Hawiye waxa laga yaabaa in aanu ku jirin mid reerkiisa 20 cod ka haystaa. Waayo 61 cod ayaa laga yaabaa in ugu 5 musharax ay kala taageersan yihiin. Iyagu u kala hadha oo mid keliya uga hadha ma ogola oo mid waliba hadaan isaga looga hadhayn in ku kale uu uga hadho ma ogola.
Madaxwaynaha Puntland oo ah musharaxa ayaaba 61 cod ee reerkiisa la qaybsan karo Farmaajo oo weliba suurogal tahay in uu kaba badsado.
Farmaajo taageerada ugu badan cidda uu ka filayaa maaha reerkiisa Daarood oo labada madaxwayne ee Puntland iyo Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Dani ay yihiin labada Madaxwayne ee Farmaajo ay ugu kala fog yihiin dhamaan Madaxwaynayaasha shanta maamul goboleed ee Somalia. Axmed Madoobe oo aan isagu musharax ahayn xildhibaanada uu soo xulo intooda badani dabcan waxay taageeri doonaan uun Dani. Sidaa marka ay tahay musharixiinta Hawiye miyaan la odhan karin mid mid marka ay yihiin Farmaajo daaye xataa Dani ayaaba uga cod badan. Waayo kuma jirin mid ka heli kara reerkiisa inta uu Dani ka heli karo reerka ay isaga iyo Farmaajo ka soo wada jeedaan ee Daarood.
Farmaajo wuxu musharax kasta kaga adkaan karaa codadka xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland oo marka la isku daro u dhigmaya Hawiye oo isku leh 61 cod. Waxa kale uu ku xisaabtamayaa codadka xildhibaanada Koonfur galbeed oo qiyaastii yeelan kara ilaa 80 cod. Hadii aanu cod kaleba helin 140 kaa cod oo keliya ayaaba ku filan.Hadii ay wax ka baydhaan weli codadka Daarood, Hawiye iyo Beesha Shanaad ayuu in ka badan ka helayaa oo taana waa la og yahay.
Sidaa marka ay tahay waxa yaab leh cidda ay ku xisaabtamayaan nimankan isku haybta ah ee aan dadka kalena taageero waxtar leh ka filayn saw 61 ka Hawiye oo ay shan u kala qaybsadaan uun maaha taageerada codadka lagu hubo oo weliba laga yaabo Farmaajo laftiisu wax kala hadhi doono ama la qaybsan doono marka Raisul Wasaaraha Farmaajo dabcan Hawiye ah.
Marka anigu aan tu walba isa saaray ee aan laba tagoogoodna isa saaray u malayn maayo in Farmaajo mushar ka soo jeeda Hawiye uu doorkan doorasho kaga guulaysan karo. Markaa hadii ay mucaaridka ka go’an tahay in Farmaajo laga adkaado oo aanu afar sanadood oo dambe Madaxwayne ka sii ahaan Somalia miyaanay ka fakari karin in ay isugu tagaan musharax kale oo aan ka soo jeedin Hawiye ee beelaha kale ah. Hadda sida xaalku yahay laba Daarood ah in la tartansiiyaana way dhaantaa hadii Farmaajo uun lagaga guulaysanayo.
Dhibta ugu wayn ee laga baqan karaa waa Farmaajo oo la og yahay khataraha badan ee ku xeeran uguna wayn tahay farogelinta shisheeye ama dawladaha shisheeye ee isaga dabada ka riixaya taageero wejiyo kala duwan lehna la daba taagan diyaarkana u ah qiimo kasta ha ku tagto eh in Farmaajo aan laga riixin kursiga Madaxwaynaha si uu danahooda gaarka ah ugu adeego dawladaha ay Somalia iyo khyraadkeeda isku hayaanna aanay uga soo ag wareegi karin.
Waxa nasiib wanaag ah hadii dagaalkan Tegraygu uu fashiliyo hirgelinta ajandihii qarsoonaa ee Farmaajo uu kula soo heshiiyay Abye Ahmed iyo Iblayska wayn ee Calatariya Afwarqe oo halis ku ahaa gobolka Geeska Afrika oo dhan hadii uu u hirgeli lahaa. Leave a comment |
|
TALO XUMAY BA': WAA TA MUQDISHO TAALA MAANTA. Qalinkii Siyaasi Cali Guray
TALO XUMAY BA': WAA TA MUQDISHO TAALA MAANTA. Qalinkii Siyaasi Cali Guray