war dag dag ah .ciidanka qaran jamhuuridda somaliland oo caawa heegan culus la galiyay sabobo amni daro ah awgeed

0
Monday July 29, 2013 - 20:36:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    war dag dag ah .ciidanka qaran jamhuuridda somaliland oo caawa heegan culus la galiyay sabobo amni daro ah awgeed

    (xogreebnews.com) dhamaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Qaramada midoobay ee Somaliland ayaa la galiyay xaalad digtooni ah kadib markii lahelayo xogo ka soo yeedhay Al-shabaab oo ah in ay qaraxyo ka fulinayaan gudaha Somaliland. Saddex cisho k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com) dhamaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Qaramada midoobay ee Somaliland ayaa la galiyay xaalad digtooni ah kadib markii lahelayo xogo ka soo yeedhay Al-shabaab oo ah in ay qaraxyo ka fulinayaan gudaha Somaliland. Saddex cisho ka hor waxa xaalad Deg deg ah la galiyay dhamaan Hay’addaha Qaramada
(xogreebnews.com) dhamaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Qaramada midoobay ee Somaliland ayaa la galiyay xaalad digtooni ah kadib markii lahelayo xogo ka soo yeedhay Al-shabaab oo ah in ay qaraxyo ka fulinayaan gudaha Somaliland.

Saddex cisho ka hor waxa xaalad Deg deg ah la galiyay dhamaan Hay’addaha Qaramada midoobay, iyadoo hawlwadeenada u shaqeeya la faray in Ay guryahooda ku shaqeeyaan ilaa inta xaaladda laga baxayo.



Jaamacadda Hargeysa oo ay dhigtaan Ardayda ugu badan ayaa duhurnimadii manta Albaabada loo laabay, iyadoo la fasaxay Ardaydii dhiganaysay, kuwii soo geli lahaana lagu wargeliyay inaanay iman.

Saraakiisha Ciidanka Booliiska ayaa gaaf-wareegayay dhamaan hay’adaha iyo goobaha Muhiimka ah ee Caasimadda, waxaanay heegana buuxa galiyeen Askarta ilaalada ka ah, iyagoo qaar kalena ku xoojiyay.

Madaaradda Somaliland ayaa iyana dhamaan la hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa, waxaanay Ciidamddu xoog u baadhayaan cid kasta oo doonaysa inay ka dhoofto, isla markaana waxa culays la saaray cidkasta oo galaysa.

Ilaa hada ma jiraan wax fal ah oo ka dhacay Somaliland, hase yeeshee sida ka soo baxaysa saraakiisha Booliiska heegankani waxa uu socon doonaa ilaa iyo inta laga xaqiijinayo in xaaladdu caadigeeda ku soo noqonayso.

Kooxaha Al-shabaab ayaa Qaraxyo is daba joog ah bisha Barakaysan ee Ramadaan ka fuliyay magaaladda Muqdisho, iyagoo, maanta o u dambaysay qarax ka fuliyay magaaladda marka

xogreebnews..com

Hargeysa/Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured