![]() Seddex sano kadib.. Saxafiga Cabdulilaah Shaa’ic Xeydar oo Xabsiga laga sii daayay
Dowladda Yemen ayaa xabsiga kasii deysay Saxafiga Cabdul-ilaah Shaac’ic, kadib inkabadan muddo Seddex sano ah oo uu ku xirnaa Xabsiga dowladdaYemen.
Maalintii shalay oo talaado aheyd ayaa xabsiga lasii daayay Saxafiga, iyadoo sii deyntiisa ay ka qeyb qaateen Ururka Saxafiyiinta dalka Yemen, kuwaas oo Dowladda Cabdul Haadi Mansuur cadaadis ku saaray sii deynta Wariyaha. Wariye Cabdul-ilaah Shaa’ic Xeydar oo ku takhsusay arrimaha Jamacaatka islaamiga ah ayaa waxaa la xiray Seddex sano ka hor, kadib markii uu si cad u sheegay in duqeyntii ka dhacday tuulada Macjalah ee gobolka Abyan ay ka dambeeyeen diyaarado dagaal oo ay iska leedahay Dowladda Mareykanka, iyadoo duqeyntaas sababtay dhimashada dad rayid ah oo aad u badan. Farriimo uu Wariye Cabdul-ilaah Shaa’ic kasoo diray Xabsiga intii uu xirnaa ayaa waxaa uu sheegay in xariggiisa ay ka dambeyso Dowladda Mareykanka oo adeegsaneysa Dowladda daba dhilifka ah ee ka talisa dalka Yemen. Leave a comment |
|
Seddex sano kadib.. Saxafiga Cabdulilaah Shaa’ic Xeydar oo Xabsiga laga sii daayay
Dowladda Yemen ayaa xabsiga kasii deysay Saxafiga Cabdul-ilaah Shaac’ic, kadib inkabadan muddo Seddex sano ah oo uu ku xirnaa Xabsiga dowladdaYemen.