"Waxaan jeclaan lahaa in Afar arrin oo Somaliland Sawir aad u fool-xun ka bixinaaya aan qaab Qaranimo ku jirto looga fekero Maarayntooda kuwaasoo kala ah". Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Thursday May 20, 2021 - 22:13:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan jeclaan lahaa in Afar arrin oo Somaliland Sawir aad u fool-xun ka bixinaaya aan qaab Qaranimo ku jirto looga fekero Maarayntooda kuwaasoo kala ah". Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    "Waxaan jeclaan lahaa in Afar arrin oo Somaliland Sawir aad u fool-xun ka bixinaaya aan qaab Qaranimo ku jirto looga fekero Maarayntooda kuwaasoo kala ah". Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan jeclaan lahaa in Afar arrin oo Somaliland Sawir aad u fool-xun ka bixinaaya aan qaab Qaranimo ku jirto looga fekero Maarayntooda kuwaasoo kala ah". Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
1. Wadooyinka Burbursan Ee hargaysa Caasimada.kuwa muhiimka ah.
2. Dadka Oromada u badan Ee kusoo xooma gaadhiga meel istaaga iyagoo dawarsanaya.
3. Qaabka Sharci fulinta iyo Systamka loo dabakhaayo,Ee aria portka Dhexdiisa.
4. Nidaamka Trafikada ee Gaadiidka loo kala socodsiinaayo.
Waxaynu ognahay Aria portka, Dekedaha  iyo Boardersku inay yihiin Meelaha laga Soo galo wadan, Caasimaduhuna ay yihiin Calaamad sida Calankoo kale magaca wadanka wada muujisa.
Sidaa daraadeed Marka dadka Ajaanibka ah ay wadanka Dani ka soo gasho, amaba loogu sheego Furado shaqo oo uu sahan yahay, ee maal gashi u socdo.
Ugu horaynta markuu Aria portka ka soo dego wuxuu Eegayaa sida Dadkani Sharcigooda iyo Nidaamkooda ugu dhaqmayaan, qiimo uma Samaynayso VIP-da geeya taas maaha, laga bilaabo degista diyaarada ilaa halka laga baxaayo wuxuu eegaya sida safka loo gelayo conterada waxa ku qoran, sida looga eegayo CovIdka, sida ducmentskiisa loo Check garaynaayo, waxa uu halkaa ka qaadanayaa inuu ka jiro wadankan Sharci Damaanad u ah isaga Iyo wuxuu keensan doonoba, waa Arrin  u baahan in si Sax ah loogu dhaqmo shurucda wadanka ee Aria portdada u yaala,lana siyaadin waxna aan laga dhaafin.
Markuu Debada u soo baxo ee la kulmo wadooyin Aad u burbursan iyo  Dad gaadhigii meel istaagaba kusoo ururaaya waxaa Markiiba qalbigiisa gelaysa meeshan waxaa ku nool Umad aan nololayn oo ganacsi daaye looba iman karin, markuu Soo socdo ee uu la kulmo Gaadiidkeenii oo meel afar ridooda madaxa isku jira  oo wax kala haga la, oo qaar makhaayadaha kasoo kacay kala.joojinayaan, dib ayuuba u noqonayaa Shaqsigii wax kale isagoo aan cid waydiin.
Haddaba ilayn Umad baynu nahaye waana Wax inagu wada yaalee keliya Afartan Qodob aan Caasimada ka hirgelino, isugu tagno oo aan Maarayno, waxba inoo tari mayso isku Eedayni laakiin Aan caqli fayow isugu geyno oo keliya Afartan Qodobtan Caasimadana ka hirgelino.  
 Waxaynu u baahan nahay inaynu Sawirkaas xun maarayno. Wabilaahi Tawfiiq.
Kayd Abdilaahi Xandule ( Halyey Hormuud



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured