![]() Maslax Siyaad Barre Oo La Sheegay Inuu Yahay Sarkaalkii Amarka Ku Bixiyey Xasuuqii Jaziira
Maslax Siyaad Barre oo ah wiil uu dhalay Digtatarkii Somalia ee Xijaabtay Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegay inuu yahay Sarkaalkii bixiyey amarkii 17/7/1989-kii lagu xasuuqay dad tiradoodu gaadhaysay 47 oo dhamaantood ka soo wada jeeday Qabiilka Isaaqa, kaas oo ka dhacay xeebta la yidhaa Jaziira oo ku taala
Maslax Siyaad Barre Oo La Sheegay Inuu Yahay Sarkaalkii Amarka Ku Bixiyey Xasuuqii Jaziira Maslax Siyaad Barre oo ah wiil uu dhalay Digtatarkii Somalia ee Xijaabtay Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegay inuu yahay Sarkaalkii bixiyey amarkii 17/7/1989-kii lagu xasuuqay dad tiradoodu gaadhaysay 47 oo dhamaantood ka soo wada jeeday Qabiilka Isaaqa, kaas oo ka dhacay xeebta la yidhaa Jaziira oo ku taala duleedka Muqdisho. Maslax oo xiligaa ahaa Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Milatariga Somalia, darajadiisuna ahayd General ayaa wax yar ka hor intaanu dhicin xasuuqii Jaziira lagu tilmaami jiray ninka ugu awooda badan dalka ee labeeya Aabihii Siyaad Barre. Dadka la laayey ayaa siday dad goobjoog aho sheegeen ayaa waxa laga soo ururiyey guryihii ay ku noolaayeen ee ku yaalay magaalada Muqdisho, waxaana dadkaa goobjooga ahaa ay xiligaa arintani dhacday sheegeen in Askarta dadka ururinaysay uu watay General Ibraahim Cali Barri (Canjeex) oo isaga iyo Maslax ay ka soo wada jeedaan beesha Mareexaanka, kuwaas oo dega Somalia. Hase yeeshee General Canjeex ayaa dafiray inuu xasuuqii Jaziira lug ku lahaa. ayaa waraysiyo oo mudooyinkan danbe siiyay warbaahinta soomaalida ku dafiray in uu lug ku lahaa xasuuqa . Mid ka mid ah waraysiyadaas oo ay Haatuf la yeelatay Generaal Canjeex waxa uu eedii xasuuqa oo dhan dusha ka saaray Maslax Siyaad Bare waxaanu sheegay in Maslax uu bixiyey Amarkii lagu soo ururiyey luguna laayay xasuuqii jaziira. Markii la riday taliskii Siyaad Bare January 1991 General Canjeex iyo Maslax waxay u fakadeen dalka Somalia Dibadiisa. Ilaa mudoo dhaweyd Canjeex waxa uu ku noolaan jiray dalka suriya halka Maslax uu degan yahay magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku leeyahay guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan ee magaaladaa. Dhinaca kale guddida xasuuqa Somaliland ayaa todobaadkan qoraal u dirtay bisha Cas, kaas oo ay kaga codsanayso in ay ka caawiso sidii dadkii lagu xasuuqay Jaziira qalfoofkoodii dib loogu aasi lahaa dalka Somaliland iyada oo la waafajinayo qaab Musilimku u aasaan dadka geeriyooda. Dadka Jazeera lagu xasuuqay ayaa dilka ka hor ayaa sarajooga la aasay iyaga oo nool dabadeedna waxa lagu furay Rasaas, si loo qariyo maydkoodana waxa ciidamada Siyaad Barre u adeegsadeen Cagaf Buldozer oo ciid ay dusha kaga shubtay ku xabaashay. xogreebnews.com Leave a comment |
|
Maslax Siyaad Barre Oo La Sheegay Inuu Yahay Sarkaalkii Amarka Ku Bixiyey Xasuuqii Jaziira
Maslax Siyaad Barre oo ah wiil uu dhalay Digtatarkii Somalia ee Xijaabtay Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegay inuu yahay Sarkaalkii bixiyey amarkii 17/7/1989-kii lagu xasuuqay dad tiradoodu gaadhaysay 47 oo dhamaantood ka soo wada jeeday Qabiilka Is